Jamie Carragher Oo Qaab Xirfadi Ka Muuqato U Kala Saaray Ronaldo Iyo Messi & Labada Kooxood Ee Finalka Champions League Imanaya Oo Uu Saadaaliyay.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Caragher ayaa soo dhex galay dooda soo taagnayd sanadihii ugu dambeeyay ee u dhaxaysay xiddigaha ku loolama halka ugu sarreysa kubadda cagta caalamka ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Juventus ayaa dhawaan samaysay soo laabasho cajiib ah iyaga oo natiijadii Atletico Madrid ee 2-0 ka ahayd u rogay dhinaca kale waxaana ay uga mahad celinayaan Ronaldo oo dhaliyay saddexley cajiib ah.

Kaddib wacdarahaas shaqsiyaad badan ayaa soo nooleeyay odhaanha GOAT (Greatest of all time) oo micnaheedu yahay midkii ugu fiicnaa abid balse Messi ayaa 24 saac kaddib kasoo daba dhalaalay isaga oo afar gool ku lug yeeshay kulankii ay 5-1 kaga adkaadeen kooxda Lyon.

Haddaba, Halyeey Carragher ayaa aragtidiisa labadan xiddig ka dhigay mid aad u muuqata mar uu nuqul ciyaareed uu ku leeyahay wargeyska Telegraph qorayay.

Jamie ayaa si guud ahaaneed uga warramay awoodaha labadan xiddig balse waxa uusan ka fursan kala saaristooda isaga oo Messi ku sifeeyay ciyaartoyga ugu weyn abid halka uu Ronaldo ku tilmaamay gool dhaliyaha ugu weyn abid.

Qoraalka Carragher ayaa ahaa “Xaqiiqdii tartanku (Champions League) waxa uu kusii jihaysan yahay meel xasaasi ah oo uu u dhaxeeyo awoodo soo muuqanaya iyo wajiyo caan ah”

“Ronaldo iyo Messi – Gool dhaliyihii ugu fiicnaa abid iyo ciyaartoygii ka fiicnaa abid – May muujin wax calaamad ah oo ay ku joojinayaan qabsashadooda tartamada Yurub, Bandhigyadoodii shaqsiga ahaa ee badhtamihii toddobaadka ayaa in badan tilmaamaya xirfadooda khaaska ah iyo heerarkooda dhiirigelineed”

Intaa kaddib Jamie ayaa u galay ka hadalka qaabka ay kooxaha ree England ula macaamilayaan xiddigahaas isaga oo dhinaca kale saadaaliyay in sanadkan ay Champions League kala qaadi doonaan Juve iyo Barca.

“Aaminaad ayay keenaan kooxahooda iyaga oo cabsi geliya kuwa kasoo horjeeda, Xaqiiqadu waxay baaqi ku ahaanaysaa haddii kooxaha English-ka ahi ay heli karaan hab lagu joojiyo Ronaldo iyo Messi, Final-ka sanadkani waxa uu noqon doonaa Juventus vs Barcelona”