Jamie Carragher Oo Kooxdiisii Hore Ee Liverpool U Sheegay Waxa Ay Tahay In Ay Sameeyeen Si Ay Koobka Premier league Ugu Guulaystaan.

Halyaygii hore ee kooxda Liverpool ee Jamie Carragher  ayaa tilmaamay waxa ay kooxdisiii hore ee Reds waajibka ugu tahay in ay sameeyeen si ay ugu guulaystaan koobka Premier league. Liverpool ayaa caawa soo dhawayn doonta kooxda Tottenham waana mid ka mid ah todoba kulan final oo Premier league baaqi uga ah Reds.

Jamie Carragher ayaa sheegay in todobaadyada soo socda ay Liverpool ciyaari doonto kulamada ugu adag laakiin waxa uu xusay in haddii ay Liverpool booskeeda hadda sii joogtayso ay Man City la kulmi doonto dhibaato isla markaana ay qasab ku noqon doonto in ay Old Trafford guul ku soo gaadho ama ay koobka lumin karto.

Khabiirka Sky Sports ee Jamie Carragher ayaa aaminsan in hadda uu cadaadiskii ka qaadmay Liverpool maadama oo uu qof kastaaba aaminsan yahay in Man City ay koobka ku guulaysan doonto taas oo uu u arko mid Liverpool si buuxda u caawin karta.

Jamie Carragher oo ka hadlaya in horyaalka Premier league lagu kala guulaysan doono ilaa maalinta ugu danbaysa ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in uu tagi doono maalinta ugu danbaysa. Liverpool waxay haysataa kulamada adag ee labada ama saddexda todobaad ee soo socda”.

Jamie Carragher oo sharaxaad sii bixinaya ayaa yidhi: “Waxaan filayaa in haddii ay dhinaca kale uga soo baxaan isla markaana ay wali boos la mid ah sii joogaan, waxay iyagu Man City ku qasbi doonaan in ay waajib ku noqon doonto in ay Old Trafford guul ku soo gaadhaan”.

Khabiirka Sky Sports ee Jamie Carragher ayaa hadalkiisa sii raaciyay:”Waxaan filayaa in cadaadiskii uu ka yara qaadmay Liveprool, sababtoo ah qof kastaaba waxa uu filayaa in Man City ay koobka hadda ku guulaysan doonto. Waxa aduunyada ugu xun ma aha haddii ay City horayso”.

“Waxaa jiray su’aalo badan oo lagu aadiyay Liverpool isla markaana xaqiiqdii way ka jawaabeen iyaga. Laba ama saddex todobaad ayay barbaro badan galeen. Tan iyo markii ay City hormartay, Liverpool waxay soo qaadatay kulamo ay soo guulaysatay, laakiin waxay u baahan yihiin in ay taas hadda sii wadaan”. ayuu Carragher hadalkiisa ku sii daray.