James Rodríguez Oo Ka Warbixiyay Go’aankiisa Kaga Aadan Xiisaha Ay Ka Muujinayaan Saxiixiisa Kooxaha Manchester United, Liverpool Iyo Chelsea.

Khadka dhexe reer Colombia James Rodríguez oo ay milkiyadiisu leedahay Real Madrid isla markaana si amaah ah ku jooga kooxda Bayern Munich ayaa wuxuu iska diiday suurtagalnimada uu ugu dhaqaaqi karo horyaalka dalka England ee Premier League xili ciyaareedka soo aadan.

James Rodríguez ayaa ugu dhawaaqay kooxda Bayern Munich xiili ciyaareedkii lasoo dhaafay heshiis amaah ee laba sano gaarsiisan, iyadoo Bavarianka ay xaq u yeelan karto in si toos ah ay ula wareegi karto milkiyada laacibkan sanada 2019.

Saddexda kooxood ee ka dhisan dalka England ee Manchester United, Liverpool iyo Chelsea ayaa waxay xiiseenayaan saxiixa James Rodríguez, , hadii Real Madrid iyo Bayern Munich ay go’aansadaan in ay kansalaan heshiiska amaahda ah uu laacibka ku joogo garoonka Allianz Arena.

James ayaa xaqiijiyay in wararkaasi aysan aheyn mid sax ah, isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay joogistiisa kooxda Bayern Munich waxaana uu doonayay inuu sii joogo ilaa iyo uu ka dhamaamanayo heshiiska amaahda ah uu ku joogo kooxda Bavarianka.

Khadka dhexe reer Colombia ayaa wareysi uu dhawaan siiyay saxaafada ayaa wuxuu yidhi: “Horyaalka Premier League-ga? waxaan ku faraxsanahay joogisteyda kooxda Bayern Munich, raaxo ayaan halkan ku dareemayaa”.

“Markii aan ku sugnaa Monaco waxaan u ciyaarayay si joogta ah, haatana Bayern Munich sidoo kale si joogta ah ayaan u ciyaarayaa, tani waa mid muhiim ah inta aanan la gaarin Koobka Adduunka waana sida ugu fiican.”

James Rodríguez ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan ku soo qaatay waqtiyo aan fiicneyn kooxda Real Madrid, laakiin taasi waxay iga caawisay inaan horumar sameeyo, mudo kadib waxaan bartay sida aan ku heli karo kalsooni, marka ay xaalada sidaan tahay”.