Jamaahiirta Real Madrid Oo U Codeeyay In Kooxdoodu Ay Iska Iibiso Gareth Bale Si Ay Bernabeu U Keensato Da’yar AS Monaco Ee Kylian Mbappé.

Dhawaan ayay ahayd markii uu wargayska France ka soo baxa ee  L’Equipe uu shaaciyay in Zinedine Zidane uu telefoon kala hadlay da’yarka dalkiisa ee Kylian Mbappe si uu ugu qanciyo in uu Real Madrid ka doorto kooxaha Yurub ugu waa wayn ee 18 sano jirkan lacagaha badan ku doonaya.

Waxaana warkan sii raaciyay in madax waynaha Real Madrid ee Florentino Pérez uu kulan la qaatay qoyska Kylian Mbappe wuxuuna kulankana ka dhacay dalka France iyada oo waliba masuuliyiinta Real Madrid ay balan qaadeen in da’yarkani uu Madrid ka heli doono waqti badan oo uu kooxda kowaad ugu ciyaari karo.

Waxaa sidoo kale soo baxday in Real Madrid ay iska iibin doonto mid ka mid ah saddexdeeda gool dhaliye ee BBC, sidaa daraadeed wargayska AS ee Madrid ka soo baxa ayaa codbixin ka sameeyay jamaahiirta Real Madrid waxaana la waydiiyay saddexda xidig ee BBC mid ay doonayaan in kooxdoodu ay iska iibiso.

Waxaanu su’aasha loo dhigay sidan: “Midkee ayaad  dooni lahayd in uu baxo BBC, haddii gool dhalliyaah Monaco la keenayo kadib miyay tahay in go’aankaas la sameeyo?’

Ugu horayn jawaabta ayaa noqotay mid cadaan ah waxayna jamaahiirta Real Madrid u codeeyeen in ciyaartoyga BBC ka tirsan ee la iibinayaa uu noqdo Gareth Bale waxaana u codeeyay in xidiga ree Wales la iibiyo boqolkiiba 42.63% oo u dhiganta 10,375 cod.

Xidiga labaad ayaa noqday Cristiano Ronaldo waxaana in xidiga ree Portugal la iibiy u codeeyay boqoliiba 24.65% laakiin si lama filaan ah Karim Benzema ayaa noqday kan BBC ka tirsan ee ay jamaahiirta Madrid doonayaan in aan la iibin iyada oo boqoliiba 12.25% kaliyi ay u codeeyeen in Karim Benzema la iibiyo.

Laakiin waxaa sidoo kale jiray jamaahiir kale oo u codaysay in aan BBC midkoodna la iibin waxayna noqdeen boqolkiiba 20.46% kuwaas oo saxiixa da’yarka AS Monaco ee Kylian Mbappe ka doortay in ay kooxdooda ku sii haystaan Benzema, Bale iyo Cristiano.

Laakiin sida codbixintan laga fahmay jamaahiirta Real Madrid ayaa jeclaan lahaa in Gareth Bale ay kooxdoodu iska iibiso isla markaana ay badalkiisa keensadaan Kylian Mabappe iyo Bale iyo ciyaartoy badan oo magac wayn xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Monaco ka fiicnaaday.