Jamaahiirta Real Madrid Oo Loosoo Ogaaday Liiska Xiddigaha Koooxdooda Uga Qayb Galaya Kulamada Saaxiibtinimo & Saxeex Kooxda Ku CUSUB Oo Laga Dhex Waayay.

Iyadoo uu haatan si rasmi ah u dhammaanayo xilli ciyaareekii 2018-19 isla markaana aynu kasoo baxnay bishii June ayuu qofkasta indhaha la raacayaa xilli ciyaareedka 2019-20 iyo waliba kulamada saaxiibtinimo ee la iskugu diyaarin doono.

Xilli ciyaareedka cusub iyo kulamada saaxiibtinimo ayaa xamaasad gaar ahaaneed u leh Real Madrid oo Canaa u duulaysa isla markaana diyaar u ah inay iyadoo kaashanaysa saxeexyada cusub meel iska saarto calool xumadii xilli ciyaareedkii hore.

Haddaba, Waxa haatan il-wareedka Cope gaar ahaan El Partidazo laga soo xigtay liis xiddigo ah oo uu tababare Zinadine Zidane ula safri doona dhinaca Canada.

Liiskan ayay gabi ahaanba seegi doonaan Casemiro, Eder Militao, Dani Ceballos iyo Fede Valverde oo dhammaantood tartamo kala duwan ka qayb qaadanayay xilli fasaxa iyadoo waliba Militao uu saxeex cusub oo la qabsi u baahan yahay.

Liiska Xiddigaha Uu Zidane U Wadan Doono Canada Ee Daaha Laga Qaaday:

GoolhayashaThibaut Courtois, Andriy Lunin, Keylor Navas, Luca Zidane.

Daafaca: Dani Carvajal, Alvaro Odriozola, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Ferland Mendy.

Khadadka Dhexe: Toni Kroos, Brahim Diaz, Isco, Marco Asensio, Luka Modric.

Weeraryahanada: Karim Benzema, Eden Hazard, Rodrygo, Mariano Diaz, Lucas Vazquez, Vinicius Junior, Luka Jovic, Gareth Bale & Takefusa Kubo.

Liiskan ayuu ka dhex muuqdaa da’yarka lagu naanayso Mess-ga Japan ee Takefusa Kubo kaas oo sidoo kale la filayo inuu isku soo muujin doono kulamada saaxiibtinimo.