Jamaahiirta Real Madrid Oo Ku Farxay Wixii Ay Ka Arkeen Xerada Tababarka Maanta Xilli AFAR Xiddig Ay Dhaawac Kasoo Wada Laabteen.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid oo mudooyinkii ugu dambeeyay u muuqda kuwo dib u helay farxadii iyo dhoola cadeyntii kaddib qaab gaabis ah oo ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan 2018-2019.

Valverde ayaa arkay in xiddigaha kooxdiisa ee Marcelo, Dani Carvajal, Raphael Varane iyo Federico Valverde oo dhaawac ku maqnaa ay kasoo muuqdeen tababarka sidoo kale goolhayaha xulka Belgium ee Thibaut Courtois oo kasoo qayb qaatay kulamada UEFA Nations League.

Varane sprinting with Kroos

Varane ayaa horeba dhaawaca uga soo kabtay isaga oo kusoo bilawday kulankii uu xulkiisa France guuldarada kala kulmay Holland balse waxa uusan gabi ahaanba kasoo muuqan kulankii Uruguay markaas oo da’yarka Valverde uu ciyaaray.

Si lamid ah Varane, Waxa tababarka buuxa kusoo laabtay daafacyada kale ee muhiimka ah balse kulamadii ugu dambeeyay dhibaatada dhaawac qabay ee Dani Carvajal iyo Marcelo Vieira.

Xiddigaha kala ah Nacho, Casemiro iyo Sergio Reguilon ayaa dhammaantood sii maqnaan doona kulamada soo socda iyaga oo halkooda kasii wadi doona soo kabashadooda kala wakhtiga duwan ee soo kala horrayn doonta.

Maalinimada Khamiista ee Berri ah ayay sidoo kale waajibaadka qaran kasoo laaban doonaan Vinicius Junior oo usoo ciyaaray xulka Brazil ee 20 jirada ka yar iyo Gareth Bale oo la maqnaa xulka Wales.