Jamaahiirta Real Madrid Oo Cod Ku Go’aamiyay Xidiga Ay Tahay In Uu Badal U Noqdo Cristaino Ronaldo- Kuwaa Kuma Xidiga Ay Codkooda Siiyeen?

Kadib markii uu Cristiano Ronaldo ka baxay Real Madrid waxaa markiiba su’aasha ugu wayn ee lays waydiinayo noqotay ciyaartoyga buuxin doona booskii uu xidiga ree Portugal ka baxay. Inkasta oo maamulka kooxda Real Madrid ay qorshe gaar ah ka leeyihiin suuqa kala iibsiga iyo ciyaartoyga ay u arkaan in uu buuxin karo booska Ronaldo, haddana waxaa jira magacyo ay saxaafadu markiiba hore kala soo baxday oo la saadaalinayo.

Xidigaha magacyadooda la soo qaaday in ay badal u noqon karaan Cristiano Ronaldo waxaa ka mid ah Neymar Jr, Kylian Mbappe oo labaduba ka tirsan kooxda PSG waxaana siodo kale liiska ciyaartoyda Madrid loo saadaalinayo ka mid ah Harry Kane oo Tottenham ka tirsan iyo waliba Eden Hazard oo Chelsea ka ciyaara.

Haddaba wargayska Marca ee caasimaa Madrid ka soo baxa ayaa codbixin ka sameeyay jamaahiirta kooxda Real Madrid wuxuuna waydiiyay in ay u codeeyaan xidiga ay tahay in uu kooxdooda u buuxin karo booska uu Cristiano Ronaldo ka baxay.

Wargayska Marca oo natiiajada codbixintan shaaciyay ayaa si layaableh u sheegay in boqolkiiba 50% jamaahiirtdii codkooda dhibatay ay doorteen in da’yarka PSG iyo xulka qaranka France ee Kylian Mbappe uu noqdo badalka Cristaino Ronaldo ee Real Madrid.

Waxaana codbixintan kaalinta labaad ka galay Eden Hazard oo boqolkiiba 15% loogu codeeyay in maamulka Madrid ay ka dhigtaan badalka Cristaino Ronaldo laakiin waxaa lama filaan noqotay in Neymar Jr uu boqolkiiba 14% kaliya ka helay jamaahiirta Madrid si uu u noqdo badalka Ronaldo.

Sidoo kale Harry Kane ayaa helay boqolkiiba 10% in uu noqdo badalka Cristiano Ronaldo ee Bernabeu halka boqolkiiba 6% kale ay doorteen magacyo kale oo aan ku jiriin liiska xidigaha la filayo in ay Madrid u dhaqaaqi karto.

Natiijadan ayaa muujinaysa sida jamaahiirta Real Madrid u xiisaynayaan in Mbappe uu kooxdooda ku soo biiro iyada oo hadda u muuqatay in xiisihii ay u qabeen Neymar Jr uu si wayn hoos ugu dhacay.