Jamaahiirta Real Madrid Ee Estadio Santiago Bernabeu U Soo Buuxiyay Bandhiga Eden Hazard Oo Halkan Arin Maamulkooda Ka Dalbaday.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa si layaableh u soo buuxiyay garoonka kooxdooda Estadio Santiago Bernabeu si ay markhaati ugu noqdaan bandhiga wayn ee ay maamulka  Madrid u sameeyeen saxiixa cusub ee Eden Hazard.

Ka soo qayb galka taageerayaasha Real Madrid ee bandhiga Eden Hazrad loogu sameeyay Estadio Santiago Bernabeu ayaa la mid ahayd sidii ay kulan xiiso badan daawanayeen waxaana garoonka laga dareemayay jawi khaas ah.

In uu ciyaartoy khaas ahi soo gaadhay Estadio Santiago Bernabeu waxaa laga dareemayay samirkii iyo dul qaadkii ay taageerayaasha Madrid muujiyeen muddadii dheerayd ee lagu jiray diyaarinta xaflada bandhiga Hazard.

Laakiin intii ay taageerayaasha Madrid sugayeen bandhiga Eden Hazard waxay soo bandhigeen hal arin oo ay maamulka Estadio Santiago Bernabeu ka dalbadeen taas oo ah waxa xiga ee ay doonayaan in la sameeyo.

Jamaahiirta Real Madrid ee ka soo xaadiray bandhigii Eden Hazard ee Estadio Santiago Bernabeu ayaa maamulka kooxdooda ka dalbaday in xidiga xidiga ee ay doonayaan in la soo iibiyaa uu yahay Kylian Mbappe.

Taageerayaasha Madrid ayaa Florentino Perez iyo maamulka kooxdiisa waxay si cad ugu sheegeen in ciyaartoyga kale ee ay soo iibinayaan in uu noqdo xidiga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Fariinta taageerayaasha Real Madrid ayaa fariintooda ku heesay waxayna maamulka uu Florentino Perez hogaaminayo hees ugu sheegeen: “Waxaanu doonaynaa Mbappe!. Waxaanu doonaynaa Mbappe!”.

Kylian Mbappe ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay Real Madrid waxaana la sheegay in aanu ku faraxsanayn kooxdiisa PSG laakiin taageerayaasha Madrid ayaa muujiyay sida ay u doonayaan in Eden Hazard xidiga ku xiga ee la keenayo Bernabeu in uu noqdo Kylian Mbappe.