Jamaahiirta Paris Saint-Germain Oo Farxadii Ugu Weyneyd Helay Iyo Isku Xidhaha Kooxdeeda Oo Tababarka Kusoo Laabtay Kahor Kulanka Man United.

Jamaahiirta kooxda Paris Saint-Germain ayaa ah kuwo farxad weyn helaya maalmo kaddib kulanka adag ee ay Old Trafford ku booqan doonaan Manchester United oo ay ku balansan yihiin wareega 16-ka kooxood ee tartanka Champions League.

Verratti ayaa dhaawac uga baxay kulan ay kooxdiisu bishii hore la yeelatay kooxda  Guingamp waxaana tan iyo wakhtigaas uu ku hawlanaa kasoo kabashada dhaawaciisa oo ahaa mid kasoo gaadhay canqawga.

Haddiiba markii hore uu shaki ku jiray taam ahaanshaha Verratti ee kulanka 12-ka bisha ka qabsoomaya Old Trafford waxa markan la filayaa inuu taam buuxa noqdo kaddib tababarka uu xiddigaha kale ee kooxda la bilaabay shalay oo Isniin ahayd.

Neymar ayaa ah midka ay hubaasha tahay inuu seegi doono labada kulan ee 16-ka Champions League ee United balse soo kabashada Verratti ayaa farxad weyn u ah kooxda ree Paris maadaama oo haatanba laga dareemayay inay si weyn u tabeen.

Kulankii habeen hore ay PSG guuldarrada kala soo kulantay kooxda Lyon ayaa ahaa mid ay tabayeen xiddigaha dhaawaca kaga maqan gaar ahaan booskii Verratti oo xiddigo aan asal ahaan ka dheelin ay sii buuxinayeen.

Tuchel ayaa kulankaas ku qasbanaaday inuu booska kubad bur-buriyaha ee Verratti ka maqnaa kasii ciyaarsiiyo Dani Alves halka uu sidoo kale shan daafac oo kala ahaa Silva, Marquinhos, Kehrer, Bernat iyo Kimpembe kusoo shir tagay waana sababta muujisay isku dheeli tirnaan weyn.