GO’AAN: Jamaahiirta Man United Oo Go’aamiyay Liiska Ciyaartoyda Ay Tahay In Kooxdooda Laga Diro Iyo Liiska Ay Tahay In Old Trafford Lagu Sii Hayo.

Manchester United ayaa ku dhitboonaysa in ay la tartanto kooxaha waa wayn ee Premier league ee Manchester City, Liverpool iyo Chelsea oo xili ciyaareedkan ah saddexda kooxood ee sida tooska ah ugu loolamaya koobka Premier league laakiin waxaa la filayaa in Jose Mourinho uu horumarin ku samayn doono kooxdiisa marka la gaado bisha January.

Haddaba codbixin laga qaaday jamaahiirta kooxda Manchester United ayay ku go’aamiyeen liiska ciyaartoyda ay tahay in kooxdooda laga diro oo la iibiyo iyo waliba liiska ciyaartoyda ay tahay in Old Trafford lagu sii hayo.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaabka u dhacday codbixinta taageerayaasha kooxda Man United iyaga oo go’aamiyay in lix ciyaartoy oo hadda ka mid ah kooxda Mourinho la iibiyo waxaana ciyaartoydan ku jira Alexis Sanchez oo muddo sanad ka yar Old Trafford joogay.

Laakiin waxaa si lama filaan ah liiska ciyaartoyda aan kalsoonida jamaahiirta Man United haysan ku biiray Antonio Valencia wuxuuna liiskan kula jiraa Chris Smalling, Marcos Rajo, Phin Jonse iyo waliba Matteo Darmain iyada oo Smalling uu noqday xidiga loogu neceb yahay Man United maadaama oo codka ugu badan lagu diiday.

Laakiin Anthony Martial ayaa noday xidiga loogu jecel yahay in uu Man United sii joogo isaga oo helay codka ugu badan ee ciyaartoyda ay jamaahiirta Red Devils u codeeyeen in kooxda lagu sii hayo inkasta oo heshiiskiisa waqti kooban ka hadhsan yahay.

Liiska Ciyaartoyda Man United Ee Loogu Codeeyay In La Iibiyo:

Chris Smalling – 48.8%
Alexis Sanchez – 37.6%
Antonio Valencia – 35.3%
Marcos Rojo – 19.5%
Phil Jones – 17.4%
Matteo Darmian – 7.5%

Liiska Ciyaartoyda Man United Ee Loogu Codeeyay In La Sii Hayo.

Anthony Martial – 96.9%
Luke Shaw – 96.6%
David de Gea – 95.3%
Diogo Dalot – 95.2%
Marcus Rashford – 94.4%
Jesse Lingard – 89.8%
Victor Lindelof – 89.0%
Fred – 88.4%
Sergio Romero – 85.3%
Paul Pogba – 82.4%
Ander Herrera – 82.1%
Juan Mata – 81.7%
Andreas Pereira – 80.8%
Eric Bailly – 78.3%
Scott McTominay – 67.4%
Romelu Lukaku – 63.4%
Nemanja Matic – 63.0%
Marouane Fellaini – 60.5%
Ashley Young – 57.2%

Haddii aad taageere Man United ah tahay miyaad adigu taageerayaasha aduunka ee kooxda Man United ku raacsan tahay go’aanka ay ciyaartoydan ku qaybiyeen? Haddii aanad ku raacsanayn maxaad ka badali lahayd?.

1 Comment

  1. maya kuma raacaani hadaan ahey taaveere man united ah waxanan leeyahay sahantan xiddig haleyga iibiyo
    1:ASHLEY YOUNG
    2:LUKAKU
    3:SANCHES
    4:PHIL JONES
    5:JESSE LINGARD

Comments are closed.