Jamaahiirta Man United Ma Sidan Oo Dhan Ayay Ugu Xiiseen Jose Mourinho? Dhacdo Weyn Oo Ay Ka Sameeyeen Kulankii Chelsea Oo Soo Jiidatay Mourinho Oo Garoonka Joogay.

Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa dhacdo soo jiidasho leh kusoo dhaweeyay tababarihii kooxdooda ee Jose Mourinho kulankii ay xalay guusha weyn ka gaadheen kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea.

Wiilasha uu hoggaaminayay Ole Gunnar Solskjaer ayaa waji gabax kusoo dhaweeyay tababare Frank Lampard oo ay kulankiisii ugu horreeyay ee abid Premier League uu ka ciyaaro ka tababare ahaan ay 4-0 ku suuldaareen.

Rashford ayaa daqiiqadii 18-aad goolka furitaanka gool ku laad ku dhaliyay kahor inta uusan Anthony Martial goolka kalsoonida ee labaad keenin isla markaana markale Rashford goolka saddexaad raacsan iyadoo Daniel James oo goolka afraad dhaliyay.

Haddaba, Jamaahiirta kooxdaas ayaan marnaba iloobin tababarahoodii hore ee Jose Mourinho kaas oo Old Trafford ku sugnaa isagoo falanqeeye u ahaa kanaalka Sky Sports isla markaana ay toos iskugu muuqdeen taageerayasha.

SIDOO KALE AKHRISO:  CHAMPIONS!! Liverpool Oo Markii Afraad Ku Guulaysatay Koobka UEFA Super Cup, Reds Oo Rekoodhaal Ku Qalbi Jabisay Chelsea Iyo Goolhaye Adrian Oo Sumcad Samaystay.

Jamaahiirtii fadhiday qaybta Stretford End oo ahaa kuwa fool ka foolka u arkayay Mourinho ayaa ku heesay magaca “Jose Mourinho” iyadoo garoonka intiisa kalena ay jiibinta ku dareen markii ay magaca maqleen.

Intaa kaddib jamaahiirta ayaa si weyn ugu dabaaldegay goolkii James oo ahaa mid muhiimad weyn u leh da’yarkaas maadaama oo uu kulankiisii ugu horreeyay abid ee Premier League uu akoonkiisa goolasha ku furtay.

Taageerayaasha ayaan sidoo kale ilaawin tababarahooda haatan ee Ole Gunnar Solskjaer oo ay magaciisa ku heeseen iyagoo ku sharfaya qaabka uu kooxdooda u agaasimay.