Jamaahiirta Liverpool Oo Fariin U Diray Xidig Reer Holland Ah Oo Ay Ragga Suuqa Reds Soo Daawadeen.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa fariin u diray xidigii hore ee Man United isla markaana hadda ka tirsan Lyon ee Memphis Depay.

Waxaa soo baxay war sheegaya in ragga suuqa kala iibsiga u qaabilsan Liverpool ay soo daawadeen Memphis Depay intii lagu jiray kulankii Lyon iyo Marseille.

Liverpool ayaa hore ugu faa’iiday xidiga reer Holland ee Gini Wijnaldum iyo Virgil Van Dijk waxayna jamaahiirta Reds doonayaa in Memphis Depay la keeno Anfield.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay Liverpool doonayso saxiixa Memphis Depay balse waxay ahayd kooxihii Man United kula tartamayay saxiixa xidigan ee uu Van Gaal kaga guulaystay.

Laakiin Memphis Depay ayaa ku soo fashilmay Man United wuxuuna ku soo qaatay waqti murugo badnaa balse markii uu Lyon u wareegay ayuu soo nooleeyay waayihiisii ciyaareed ee Old Trafford ku lumay.

Jamaahiirta Liverpool waxaa sii dhiiro galiyay markii uu Memphis Depay bartiisa twitterka soo dhigay sawirkiisa iyo Gini Wijnaldum isla markaana uu fariin fiican soo raaciyay taas oo uu ku sheegay: “Boqorka yarow waxa aad samaynaysaa qaranka ayay hanwaynaysay”.

Fariintan uu Memphis Depay u diray Gini Wijnaldum ayaa noqotay mid sii hurisay xiisaha Liverpool u qabtay xidiga reer Holland waxayna jamaahiirta Reds u direen fariinta ah in uu Anfield yimaado.

Isla sawirka uu Memphis Depay fariinta soo raaciyay ee ay ku wada jiraan Gini Wijnaldum ayay fariimo badan ugu qoreen jamaahiirta Liverpool iyaga oo ka dalbaday in uu Wijnaldum kula soo biiro Liverpool.

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha Liverpool ayaa sheegay in Wijnaldum uu noqon doono wakiilka kooxdooda ee Depay ku soo jiidi doona Anfield.

Laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha Liverpool ayaa haddaba adeegsanaya dabaal degii Depay iyo Wijnaldum ee xulka Holland oo ay ku qiyaasanayaan in ay Old Trafford sidaa ugu dabaal degi karaan.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa muujinaya in Liverpool ay xiisaynayso saxiixa Memphis Depay kaas oo ay hore ugu waayeen Man United iyada oo Jurgen Klopp ay suurtogal tahay in uu qaabkii Mohamed Salah uu Depay ugu soo celiyo Premier league.

 

Be the first to comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.