Jamaahiirta Liverpool Oo Baraha Bulshada Ku Dalbaday In Adama Traore Taallo Looga Dhiso Anfield Kadib Goolashiisii Etihad Stadium.

Liverpool ayaa si layaab leh ugu raaxeysaneysa horyaalka Ingiriiska maadaama ay kooxda kusoo xigta ka horreyso sideed dhibcood iyadoo kaliya la ciyaaray 8-kulan, kulamadii todobaadkaan ayeyna ahaayeen kuwa keenay isbadal weyn oo la taaban karo.

Reds waxey raadineysaa muddo 30-sano ah hanashada horyaalka, durbana waxey farqi badan ka horreysaa kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City oo todobaadkaan guuldaro lama filaan ah kala kulantay Wolves.

Pep Guardiola iyo wiilashiisa ayaa soo xaadiray garoonkooda Etihad Stadium iyagoo doonayay iney guul ka helaan kooxda Wolves, balse Adama Troare ayaa laba gool oo weerar rogaal celis ah lagu keenay ka dhaliyay, waxeyna Pep Guardiola u aheyd maalin xanuun badan.

Natiijadaas waxey aheyd guuldaradii labaad ee soo gaarta fasal ciyaareedkaan kooxda Citizens, maadaama ay horay 3-2 guuldaro ah kala kulmeen Norwich City.

Jamaahiirta Liverpool durba waxey bilaabeen iney baraha bulshada ku hadal qaadaan xiddiga guuldarada huwiyay kooxda Man City, si dhaqso ah ayeyna baraha bulshada ugu dalbadeen in xiddigaan taallo looga dhiso Anfield hadii kooxdooda ay hanato horyaalka.

“Troare durba wuxuu noqday halyeeyga Liverpool” ayuu yiri taageere.

“Hadii aan ku guuleysano horyaalka, Adama Troare wuxuu noqon doonaa halyeey Liverpool ah” waxaa intaas soo qoray Corporate Hustler.

“Hadii garoonka Anfield la keeno bisha May, Troare waxaa lagu dari doonaa liiska halyeeyada kooxda”

“Troare wuxuu xoojiyay in taallo looga dhiso Merseyside kadib Divock Origi”