Jamaahiirta Liverpool Ma Rumaysan Karaan? Kabtankii Mudada Dheer Ee Reds Steven Gerrard Oo La Sheegay Inuu Ka Qiimayn Hooseeyo Xiddig Leicester City Ah & Ceebta Uu Ku Jiro.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ian Right ayuu kasoo yeedhay hadal aysan jeclaysan doonin jamaahiirta kooxda Liverpool oo uu kaga hadlayay kabtankii hore ee kooxdooda ee Steven Gerrard isagoo qiimayn ku sameeyay.

Right ayaa sheegay in kabtanka kooxda Leicester City ee Wes Morgan uu ka mudan yahay oo uu ka qiimayn sarreeyo halyeeyga mudada dheer dhiiga usoo shubayay Liverpool isagoo ka eegayay dhinaca guulaha horyaalka Premier League.

Image result for Ian Right on gerrard and morgan

Morgan ayaa door weyn ka qaatay guushii lama filaanka ahayd ee Leicester ee horyaalka xilli ciyaareedkii 2015-16 iyadoo ay xusid mudan tahay in bilawgii xilli ciyaareedka fursadooda ay horyaalka ugu guuleysan karaan lagu qiimeeyay 5,000-1.

Foxes ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay horyaalkaas iyadoo uu Morgan ahaa udub dhaxaadkooda oo uu soo hoggaamiyay dhammaan 38-kii kulan ee ay xilli ciyaareedka ka ciyaareen.

Si kastaba, Right oo marti u ahaa Alan Shearer iyo Gary Lineker ayuu Lineker weydiiyay haddii ay tahay in Morgan lagu qiimeeyo meel ka sarreysa Gerrard.

Ian Right ayaa sheegay inuu Morgan kusoo guuleystay horyaalka Premier League balse uusan Gerrard darajadaas gaadhin sidoo kalena uu kabtanka Foxes haystay koox aan laga filanayn guul intaas le’eg.

Halyeeyga Gunners oo su’aasha Lineker ka jawaabaya ayaa yidhi “Wes Morgan horyaal Premier League ah ayuu kula guuleystay koox Leicester City ah oo uusan qofna ka filanayn, Xaqiiqadu waa in Steven Gerrard uu ku dhawaaday inuu sameeyo, Wuxuu ku dhawaaday inuu Liverpool ku hoggaamiyo”.

“Laakiin Wes Morgan marka loo eego kooxda uu haystay iyo qaabka ay Leicester City u samaysay, Waa mucjiso, Waa mucjiso Premier League ah”.