Jamaahiirta Arsenal Oo Aan Rumaysan Karin In Xiddig Kooxdooda Ahi Uu Chelsea Ka Caawiyay Saxeexeeda Ugu Muhiimsan Ilaa Haatan Ee Christian Pulisic.

Saxeexa cusub ee kooxda Chelsea ee Christian Pulisic ayaa ka sheekeeyay sida uu weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre Emerick-Aubameyang saamaynta ugu lahaa inuu heshiis la gaadhay Blues bishii January.

Pulisic ayaa heshiis lagu sheegay 58 Milya kaga soo wareegay Borussia Dortmund suuqii January kahor intii aysan Chelsea go’aansan inay inta xilli ciyaareedka ka hadhsanayd.

20 jirkan oo ugu horreyn ka hadlay wax ku saabsan xiddiga ay koox wadaaga noqon doonaan ee Eden Hazard ayaa sheegay inuu yahay xiddig uu ku daydo oo uu jeclaan lahaa inuu sidiisa noqdo.

Christian Pulisic oo ka hadlaya arrimaha Hazard ayaa yidhi “Waa wax aan caadi ahayn in la arko waxa uu Eden samayn karo, Isagu waa nin ay tahay in la raadiyo waana wax aan jeclaan lahaa inaan noqdo”

Dhinaca kale Pulisic ayaa ka hadlay arrin aad u xiiso badan oo aysan jeclaysan doonin jamaahiirta Arsenal waxaana uu sheegay in weeraryahanka kooxdaas ahna saaxiibkiisii hore ee Dortmund Aubameyang uu qayb kulahaa go’aanka uu Chelsea ku yimid,

Pulisic ayaa sheegay inuu wali xidhiidh la leeyahay Auba isla markaana markii uu go’aanka gaadhayay uu la hadlay isaga oo wax ka weydiiyay magaalada ay Blues iyo Gunners ku xifaaltamaan ee London iyo waliba shaqaalaha kooxaha halkaas.

“Markii suurogalnimada heshiiskaan ugu wareegayay Chelsea ay timid isaga ayaan la xidhiidhay inkastoo Pierre-Emerick uu Dortmund uga tagay Arsenal waxaanu baaqi kusii ahaanay inaanu sii wada xidhiidhno”

“Anigu waan la hadlay isaga tan iyo markii uu u dhaqaaqay halkan (London), Waxaan isaga weydiiyay sida ay ahayd London iyo shaqaaluhu, Isagu wuu jecel yahay halkan”