JACAYLKII HUNGOOBAY: Marco Asensio Oo Niyad-jab Kala Kulmay Jacayl Uu U Bandhigtay Xiddigta Fanka Ee Dua Lipa Oo Finalkii Champions League Ka Heestay Iyo Liverpool Oo Sabab U Ah

Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Marco Asensio ayaa jawaab niyad jab ah kala kulmay arrimo jacayl oo la wariyey inay dhaxmareen xiddigta fanka ee Dua Lima oo ahayd fanaanadii hogaaminaysay bandhigii iyo xafladii finalkii UEFA Champions League ee dhawaan ka dhacday magaalada Kiev.

Asensio ayaa la sheegay inuu Lipa ku marti-qaaday xafladdii dabbaal-degga Champions League ee Real Madrid ay ku qabsatay magaalada Madrid, halkaas oo boqollaal kun oo taageereyaal ah iyo dad magac leh ay ka qayb-galeen.

Laakiin Dua Lipa oo si weyn u taageerta kooxda Liverpool, isla markaana ka heestay xafladdii furitaanka Champions League ee finalkii Kiev ee kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa gaashaanka ku dhufatay soo jeedinta Asensio, waxaanay dafirtay guud ahaanba inay is arkeen.

Wargeyska El Periodico ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu qoray in Asensio iyo Lipa ay ku kulmeen hotel ku yaalla magaalada Kiev markii ay dhamaatay ciyaartii finalka ee Real Madrid ay ku qaadday Koobka Champions League markii saddexaad oo xidhiidh ah.

Waxaanu u fidiyey marti-qaad iyadoo dhinaca kale uu gudbiyey dareenkiisa caashaq ee uu u qabo, hase yeeshee fannaanada ayaa war ay ku baahisay barteeda xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka waxay ku sheegtay in aanay waligeed la kulmin Asensio, haddii ay taasi dhici lahaydna ay dembi ka geli lahayd jamaahiirta Liverpool oo ay ku jirto dadka sida weyn u taageera.

Dua Lima oo Marco Asensio iyo dadkii warkan ka baahiyay u quus goynaysa ayaa barteeda twitterka ku soo bandhigtay halka ay arintan ka taagan tahay waxayna soo qortay”Lamaan kulmin Marco Asensio, waligayna ma filayo inaan la kulmo waayo taageereyaasha Liverpool ima cafin doonaan.”

Lima oo ka jawaabaysay su’aal uu soo weydiiyey mid ka mid ah taageereyaasheeda oo ahayd halka ay ka timid sheekada kulanka Asensio, ayaa waxay ugu jawaabtay: “Ma garanayo” waxayna arintani noqotay mid baraha bulshada looga hadlay iyada oo Asensio uu ku hungoobay jacaylka uu u soo bandhigay Dua Lima.

Lipa ayaa bandhig ciyaareed ku ruxay waddanka Ukraine markii ay hogaaminaysay bandhiga UEFA Champions League ee finalkii magaalada Kiev ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii ku dhamaatay 3-1 ee ay Real Madrid koobkeedii saddexaad oo xidhiidh ah ku qaadday.