ISKU DHAF: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Kulanka Atletico Madrid v Juventus Oo Lasoo Saaray & Ronaldo Iyo Asxaabtiisa Oo Awood Cad U Sheegtay Rojiblacos.

Shabakada caanka ah ee GOAL ayaa soo xulatay shaxdeeda isku dhafka ah ee labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Juventus oo caawa ciyaari doona kulan xoogan oo mudo dheer la sugayay.

Kulankan ayaa ah mid ka dhici doona gegida Atletico oo ah mida lagu kala qaadi doono Final-ka Champions League ee xilli ciyaareedkan waxaana dagaalkooda kulamada is reeb-reebka caawa bilaaban doona Rojiblancos iyo Bianconeri.

Shaxda ay GOAL usoo xulatay isku dhafka kulankan ayaa ah mid ay saamiga ugu badan ku leedahay Juventus waxaana ay ku yeesheen toddoba xiddig halka Atletico ay afar boos heshay.

Booska goolhayaha ayuu sida iska cad kusoo baxay goolahayaha Atletico ee Jan Oblak kaas oo shaki la’aan kamid ah goolhayayasha ugu fiican dunida kubadda cagta.

Walow ay Atletico sanadihii ugu dambeeyay si joogto ah usoo ahayd boqorada daafaca ee kooxaha Yurub haddana waxa awood afarta daafac ku qabsatay Juve oo ku yeelatay Cancelo, Bonucci, Cheilini iyo Sandro.

Khadka dhexe ayaa ah mid ay Atletico ku awood badan tahay waxaana saddexda xiddig ee halkaas loo xushay ay ku leeyihiin laba xiddig oo kala ah Koke iyo Saul waxaana soo saddexeeya Miralem Pjanic.

Saddexleyda weerar ayay Juventus ugu soo baxeen Cristiano Ronaldo iyo Paulo Dybala halka uu booska kale kooxda ree Spain usoo buuxiyay hoggaankooda safka weerarka ee Antoine Greizmann.