Iska Ilow Neymar, Kylian Mbappé Iyo Eden Hazard, Real Madrid Oo Badalka C.Ronaldo Ka Heshay Kooxda Manchester City.

Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid ayaa wali ku dhiban in ay hesho badalkii Cristiano Ronaldo waxana suuqa ka baadi goobayeen xidigaha Neymar Jr, Kylian Mbappé , Eden Hazard iyo magacyo kale balse markan waxa ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan soo qaadashada garabka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling.

Raheem Sterling  oo hada  23- sano jir ah ayaa shumac ka noqday garoonka kooxda Sky Blue ee Etihad Stadium tan iyo markii uu lacago qaali ah kaga soo dhaqaaqay Liverpool Sanadkii 2015, isagoo marqaati ahaan u heysta in uu yahay xidig muhiim ah  waxana uu kooxdiisa haatan u dhaliyay 35 gool  kadib 103 kulan uu ka soo muuqday kooxda dhamaan tartamada oo dhan .

Related image

Xariifkan cajiibka ah ee u dhashay wadanka England  ayaa wali la isku raacin qandaraas kordhintiiisa  waxaana uu yahay xidig qandaraskiisa uu dhacayo dhhmaadka xili ciyaareedka 2019-20 iyada oo ay jirto in uu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan ee kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola .

City  waxa ay dooneysaa in Sterling  uu baaqi ku sii ahaado safkooda si uu kooxda uga caawiyo sii wadashada qaab ciyareedkeeda cajiibka ah laakiin wargayska Mirror ayaa sheegay in Real Madrid ay baahi u qabto xidigan iyada oo Real ay xitaa sugi doonto ciyaaryahanka ilaa qandaraskiisa iyadoo uu ka harsan yahay labo sanno heshiiskiisa.

Kooxda difaacaneysa tartanka kooka horyaalada yurub ee UCL ayaa sidoo kale rajo weyn ka qabta in ay soo qadan doonan xidiga dhaqaajiya kooxda Chelsea ee  Eden Hazard xili ciyaaredka soo socda, hadana waxa ay wararku tilmaamayaan in Sterling kooxda Real ay ubaahanatahay Isla Xili ciyaredkan.

Ma aha markii ugu horaysay ee Real Madrid lala xidhiidhinayo Raheem Sterling balse waxay horeba Madrid u muujisay sida ay Sterling ula jeceshahay in uu ka mid noqdo safka kooxdeeda halka ay waqti xaadirkan ku dhibtoonayso badalkii Crisitano Ronaldo oo ayna ilaa hadda helin.