Iska Ilaw Real Madrid, Saddex Kooxood Oo Waa Wayn Oo Diyaar U Ah In Lacag Waali Ah Ay Ku Dalbadaan Mohamed Salah.

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa soo qaatay xili ciyaareed layaableh wuxuuna ku soo guulaysatay abaal marinihii ugu muhiimsanaa ee horyaalka Premier league kadib markii uu qof kasta kaga yaabsaday bandhigii abid ugu fiicnaa ee uu ciyaartoy ka sameeyay Premier league isaga oo rekoodho cusub oo cajiib ah ka dhigay.

Laakiin taasi waxay keentay in kooxo badan oo waayni ay si wayn ugu dagaalamaan saxiixiisa inkasta oo uu ku faraxsan yahay noloshiisa iyo waayihiisa ciyaareed ee Liverpool. Real Madrid ayaa ahayd kooxda xili ciyaareedkan oo dhan lala xidhiidhinayay Salah, laakiin waxaa soo baxay saddex kooxood oo kale oo lacago waali ah ku doonaya Salah.

Wargayska Diario Gol ayaa shaaciyay in kooxaha Manchester City, Bayern Munich iyo waliba kooxdii uu hore Mohamed Salah fursada uga waayay ee Chelsea ay doonayaan in ay Mohamed Salah kula soo wareegaan lacago waali ah.

Diario Gol ayaa ku waramay in kooxaha Bayern Munich, Chelsea iyo Manchester City ay Mohamed Salah ku doonaayan £175 milyan gini oo u dhiganta $236 milyan dollars inkasta oo ayna Liverpool diyaar u ahayn in Mohamed Salah ay iska iibiso.

Liverpool ayaa ah koox aan si sahlan ciyaartoyda ku bixin maadaama oo aanu jirin qodob heshiiskooda lagu burburin karaa balse haddii uu Mohamed Salah go’aan ku gaadho in uu baxo oo uu dalbado bixitaan isla markaana ay lacag qiima sare ah ku helayaan ayaa ah suurtogalnimada kaliya ee uu xidiga ree Masar ku bixi karo.

Laakiin Liverpool ayaan marnaba ogolaan doonin in Mohamed Salah ay ka iibiso Chelsea, Manchester City ama koox kale oo Premier League ah wuxuuna Jurgen Klopp doonayaa in xidigaha uu hadda haysto uu Anfield ku sii ilaaliyo isla markaana uu xoojin kale u sameeyo.

Bayern Munich ayaa suuqa ugu jirta in ay hesho badalka Franck Ribery iyo Arjen Robben oo hadda noqday ciyaartoy duqowday oo aan lahayn orodkii iyo farsamadii ay garaba weerarka kaga ciyaari jireen waxayna doonayaan in Mohamed Salah uu noqdo badalkooda waqtiga dheer.