Iska Ilaw Raali Galintii Uu Bixiyay, Unai Emery Oo Kabtanimadii Arsenal Ka Xayuubiyay Granit Xhaka Iyo Kabtan Cusub Oo Laga Magacaabay.

Advertisements

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa kabtanimadii kooxdiisa ka xayuubiyay xidiga ay jamaahiirta kooxdiisa sida xun iskugu dhaceen ee Granit Xhaka inkasta oo uu raali galin ka bixiyay falcelintii xumayd ee uu sameeyay.

Unai Emery ayaa magacaabay xidiga kabtanka uu ka dhiganayo kadib markii uu cadeeyay in Granit Xhaka aanu ka sii mid ahaan doonin kabtanada kooxdiisa Gunners.

Advertisements

Xiddiga reer Switzerland ayaan weli u ciyaarin Gunners tan iyo markii ay isku dhaceen taageerayaasha Arsenal markii la bedelayay kulankii Crystal Palace ee 10 maalmood ka hor.

Xhaka ayaa sidoo kale laga reebay kooxda u safarat Portugal ee ciyaareysa kulanka Europa League.

Advertisements

Laakiin warka xun ee u soo yeeray intaas kuma ekeyn iyadoo 27 jirkaan laga xayuubiyay kabtanimada kooxda.

Emery ayaa yiri: “Waxaan la hadlay Granit, kamana mid ahan kabtanada kooxda.”

Tababaraha Gunners ayaa xaqiijiyay in Pierre-Emerick Aubameyang inuu noqon doono kabtanka cusub ee joogtada ah ee kooxda.

Xiddiga reer Gabon ayaa ahaa kabtanka kooxda kulankii Premier League ee ay barbaraha la galeen kooxda Wolves.

Xhaka ayaa lagu ciqaabay inuu aflagaadeeyay taageerayaasha Arsenal ee ku ooriyay markii la bedelayay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen kooxda Crystal Palace toban maalmood ka hor.

Intii uusan ka bixin garoonka ayuu Xhaka ku yiri taageerayaasha “f*ck off”, waxayna taasi keentay in taageerayaasha iyo halyeeyada kooxda ay si weyn u dhaleeceeyaan.

Xhaka ayaa ugu danbeyn raaligelin ka bixiyay falcelintii uu ka bixiyay oorinta taageerayaasha laakiin tababare Emery ayaa qaatay go’aan ah inuu ka qaado kabtanimada kooxda.

Advertisements