ISKA BAX!! – Jurgen Klopp Oo Uu Gabi Ahaanba Samirkii Kasoo Dhammaaday & Xiddig Kooxdiisa Liverpool Ah Oo Uu Fasixi Doono.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa u muuqda mid uu ka dhammaaday samirkii uu u hayay qaar kamida xiddigaha kooxdiisa gaar ahaan kaddib guuldarradii dhawaan kasoo gaadhay Atletico Madrid ee ay Champions League kaga hadheen.

Tababare Klopp ayaa xiddiga uu samirkiisu ka dhammaaday lagu sheegay goolhaye Adrian, Macalinka ree Germany ayaa la sheegayaa inuusan isku dayi doonin inuu iibiyo Adrian balse waxa la xusayaa inuusan is hor taagi doonin haddii dalab u yimaado.

Adrian ayaa ahaa xiddigii qaab ciyaareedka liitay kusoo sameeyay ciyaartii Atletico, Reds ayaa u muuqday kuwo u gudbay wareega 8-da ee tartanka kaddib markii ay 2-0 ku qabteen hoggaanka bilawgii wakhtigii dheeriga ahaa.

Si kastaba, Qalad ka yimid Adrian ayaa ka caawiyay Atletico inay hal gool dib u hesho taas oo la micno ahayd inay kooxda ree Spain ku baxaysay sharciga goolasha kahor intii aysan laba gool oo kale dhalin sidaasna ku adkaan.

Haatan, Sida uu sheegayo il-wareedka Evening Starnadard, Tababare Klopp ayaan isku dayi doonin inuu celiyo 33 sano jirkan haddiiba uu go’aansado inuu baxo.

Adrian ayaan ahayn dookha koowaad ee shaxda Liverpool balse waxa uu xilli ciyaareedkan fursado badan ka helay dhaawacyo kusoo noq-noqday Alisson Becker oo No.1 u ah Klopp.

Si kastaba ha ahaatee, Qaar kamida jamaahiirta Liverpool ayaa Adrian ugu han-jabay inay dili doonaan kaddib bandhigiisii sababay inay macasalaameeyaan koobka ay difaacanayeen ee Champions League.