ISBAR-BARDHIG: Xogta Cristiano Ronaldo Markii Uu 19 Jir Ahaa Oo Lala Bar-Bardhigay Mida Da’yarka Atletico Bangiga U Jabisay Ee Joao Felix – Midkee Tirooyin Wanaagsan?

Kooxda Atletico Madrid ayaa gudaha suuqa xagaagan cidkasta ka yaabsatay waxaana ay heshiis 126 Milyan ah kula soo wareegtay da’yarkii ay kooxaha badani doonayeen ee Joao Felix.

Dabcan waxa layaab noqotay waxa ay Atletico markaliya 19 sano jir ugu hurtay lacagta intaas leeg maadaama oo uusan sanado badan isku soo muujin heerka ugu sarreeya oo aan si buuxda loo damaanad qaadi karin haddii uu fiicnaan doono.

Hay’ada xog ururinta ee ProFootballDB ayaa haatan isbar-bardhig ku samaysan Felix iyo xiddiga uu ku dayan doono ee Cristiano Ronaldo oo ay Portugal kasoo wada jeedaan.

Dabcan Felix ayaa haddiiba uu doonayo inuu gaadho tirooyinka iyo xogta haatan ee Ronaldo ay ku qaadan doontaa mudo aad u dheer iyadoo uu CR7 sanado badan soo joogay heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta.

ProFootballDB ayaa isbar-bardhigan samaysay iyada oo qiimaynaysa tirada kulamada ay Felix iyo Ronaldo kusoo ciyaareen da’da uu haatan Felix jiro ee 19-ka sano iyo waliba goolasha iyo gool caawimooyinka ay soo sameeyeen.

Aan ku horraynee Felix ayaa Benfica kasoo dhaqaaqay isagoo kaliya soo ciyaaray 50 kulan oo rasmi ah waxaana uu mudadaas kusoo dhaliyay 20 gool halka uu sagaal kale caawiyay taas oo la micno ah in gool ka qayb qaadashadiisu ay kulankiiba ahayd 0.89.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa isku dar 177 kulan da’daas ugu soo saftay kooxihiisii Sporting Lisbon iyo Man United balse isaga oo wakhtigaas kasoo dheelayay garbaha weerarka oo aan weeraryahan toos ah soo sahayn ayuu kulamadaas kusoo dhaliyay 16 gool sagaal kalena caawiye ka ahaa.

Tirada Ronaldo ayaa la micno ah inuu kulankiiba kusoo lug lahaa 0.37 gool waana tiro ka hooseysa marka lala bar-bardhiga mida Felix ee haatan.