ISBAR-BARDHIG: Waqtigan Oo Kale Xili Ciyaareedkii Hore Siduu Ahaa Miiska Kala Saraynta Premier League? Kooxaha Qasaaray & Kuwa Horumarka Sameeyay.

Waxaanu marar badan idiin soo diyaarinaa warbixino aanu ku eegno isbar-bar dhiga miiska kala saraynta premier League ee isla waqtiga xili ciyaareedkan la joogo. Haddaba waxaanu halkan ku eegaynaa waxa ay ku kala duwan yihiin ama iskaga midka yihiin miiska kala saraynta Premier league ee maanta iyo waqtigan oo kale xili ciyaareedkii hore.

Marka aan isbarbar dhiga samaynayno waxaa muhiim ah in aan ku salayno halka ay koox kastaaba xili ciyaareekdii hore ku jirtay markii la soo ciyaaray 13 kii kulan ee Premier league ugu horeeyay iyo kaalinta ay maanta ku jirto waxaana sidoo kale la socda dhibcihii ay haysatay iyo kuwa ay maanta haysato.

Kooxaha magaalada Liverpool ka wada dhisan ee Liverpool iyo Everton ayaa noqday labada kooxood ee xili ciyaareedkan horumarka wayn ka sameeyay dhibcihii ay waqtigan oo kale haysteen xili ciyaareedkii hore waxayna sare u kac sameeyeen min 10 dhibcood taas oo ah arin aad cajiib u ah.

SIDOO KALE AKHRISO:  Sidee Ayay Noqon Doontaa Shaxda Real Madrid Iyo Barcelona Haddii Ay Gacanta Ku Soo Dhigaan Xiddiga PSG Neymar?

Laakiin Manchester United ayaa ka mid noqotay kooxaha qasaaraha ugu wayni uu ku dhacay xili ciyaareedkan iyada oo Red Devils  lumisay 8 dhibcood oo ay hoos uga dhacday dhibcihii ay haystay xili ciyaareedkii hore markii 13 kulan laga soo ciyaaray Premier league.

Manchester City wax isbadal badan ahi kama muuqdo waxayna hoos u dhacsamasyay 2 dhibcood halka Unai Emery uu 2 dhibcood oo kaliya sare uga soo qaaday Arsenal booskii xili ciyaareedkii Arsene Wenger ugu danbeeyay ku jirtay waqtigan oo kale.

Maurizio Sarri ayaa isna 2 dhibcood oo kaliya sare uga qaaday Chelsea dhibcihii ay haysatay waqtigan oo kale xili ciyaareedkii ugu danbeeyay Antonio Conte waxaana wali muuqata in aanu farqi wayn samayn.

SIDOO KALE AKHRISO:  Paul Pogba Oo Ka Hadlay Waxa Ay Man United U La Micno Tahay Maalin Ka Dib Markii Uu Ku Guuldareystay Inuu Ka Tago

Haddaba halkan kaga bogo 17 ka kooxood ee xili ciyaareedkii hore iyo xili ciyaareedkan Premier league ku jiray waxaana ka baxaya saddexdii kooxood ee heerka labaad u dhacay xili ciyaareedkii hore iyo saddexda kooxood ee Premier league u soo dalacay.

Farqiga U Dhexeeya Dhibcihii Kooxaha Premier league Ee Kadib 13 Aad Ee Xili Ciyaareedkii Hore Iyo Xili Ciyaareedkan:

17. Burnley: -11 dhibcood Oo Ay Hoos u Dhacday (hal kulan ayaa baaqi u ah)

16. Manchester United: -8 dhibcood Oo Ay Hoos u Dhacday

15. Southampton: -8 dhibcood Oo Ay Hoos u Dhacday

14. Huddersfield: -5 dhibcood Oo Ay Hoos u Dhacday

13. Newcastle: -5 dhibcood Oo Ay Hoos u Dhacday (hal kulan ayaa baaqi u ah)

SIDOO KALE AKHRISO:  Unai Emery Oo Shaaciyay Liiska Xiddigaha Arsenal Ee Ka Hortagaya Burnley & Xiddigo Ka Maqnaa Kooxda Oo Dib U Soo Laabtay

12. Manchester City: -2 dhibcood Oo Ay Hoos u Dhacday

11. Brighton: -1 Hal dhibic ayay hoos u dhacday.

10. Watford: -1hal dhibic ayay hoos u dhacday

9. Crystal Palace: +1 Hal dhibic ayay sare u kacday

8. West Ham: +2 Dhibcood ayay sare u kacday

7. Chelsea: +2 Dhibcood ayay sare u kacday

6. Arsenal: +2 Dhibcood ayay sare u kacday

5. Leicester: +4 Dhibcood ayay sare u kacday

4. Bournemouth: +6 Dhibcood ayay sare u kacday

3. Tottenham: +6 Dhibcood ayay sare u kacday

2. Everton: +10 Dhibcood ayay sare u kacday

1. Liverpool: +10 Dhibcood ayay sare u kacday

Haddaba akhriste, maxaa kaaga baxay isbarbar dhiga kulamadii dhibcaha ay waqtigan oo kale kooxaha Premier league xili ciyaareedkii hore haysteen iyo inta ay hadda haystaan marka la kala jaro farqiga ka soo baxay?.