ISBAR-BARDHIG: Min Imisa Gool Ayay Soo Dhaliyeen Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Markii Ay Ahaayeen Da’da Maanta Ee Erling Haaland? Akhriso Isbar-Bardhigan

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee uu ku qaadanayo heerka ugu sarreeya kubadda cagta ku muujinaya bandhigyo waaweyn oo lagula bar-bardhigi karo xiddigaha ugu fiican dunida.

Xiddigan ree Norway ayay u taalay shaqada ah inuu kasoo dalaco kubadda cagta Austria isla markaana uu la qabsado mida Germany markii uu Dortmund ku biirayay suuqii January balse wacdarihiisa ayaa halkiisa kasii socday.

Tan iyo markii uu ku biiray Borussia Dortmund, Haaland ayaa 13 kulan oo uu tartamada oo dhan uga soo ciyaaray 13 gool kusoo dhaliyay, lacagta lagaga heli karo suuqa ayaa gudaha hal sano ka timid 5 Milyan oo euro kuna gaadhay 60 Milyan sida uu sheegay bogga suuqa qaablisan ee Transfermarkt.

Xataa Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ah xiddigaha ugu fiican jiilkan ayaan soo samaynin gool dhalinta Haaland gudaha xilli ciyaareedkan maadaama oo uu 41 gool isagu soo dhaliyay tartamada oo dhan.

Haddaba. su’aasha ayaa ah miyay Messi iyo Ronaldo xogtan oo kale soo diiwaan gashanayeen markii ay sida Haaland jireen 19 sano oo ah da’daas maraya maanta.

Haddii uu Erling Haaland 19 sano jir 41 gool kusoo dhaliyay ilaa haatan, xilli ciyaareedkii koowaad ee uu Ronaldo heerkaas gaadhay ayaa ahaa midkii 2007-08 markaas oo uu da’da 23 sano jir kusoo dhaliyay 42 gool tartamada oo dhan.

Dhinaca kale Messi ayaa isagu wakhti ka yar horreeya midka Ronaldo oo uu 22 sano jir ahaa xilli ciyaareedkii 2009-10 ku gaadhay tirooyinkaas maadaama oo uu xilli ciyaareedkaas 41 gool tartamada oo dhan uga soo dhaliyay Barca.

Dabcan wali waa xilli hore in lala bar-bardhigo Haaland labada nin ee soo maamulayay kubadda cagta tobbankii sano ee ugu dambeeyay balse inuu 19 sano jir kusoo dhaliyay in ka badan 40 gool ayaa ah wax cajiib ah”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook