ISBAR-BARDHIG Lagu Kala Baxay – Christian Pulisic & Eden Hazard Oo La Isbar-Bardhigay Kaddib Min 11 Kulan Oo Ay Chelsea Iyo Real Madrid Usoo Ciyaareen – Midkee Wanaagsan?

Suuqii xagaga ayay ahayd markii kooxda Chelsea ay iska fasaxday xiddigii ugu muhiimsanaa kooxdeeda ee Eden Hazard kaas oo ku biiray kooxdiisii riyada ee Real Madrid oo uu haatan qayb ka yahay.

Inta badan dunida kubadda cagta ayaa saadaalinaysay in Blues uu gabal u dumay maalintaas isla markaana marka loo eego sida uu Hazard dhabarka ugu siday xilli ciyaareedkii hore ay u jabi doonto bixitaankiisa.

Image result for Hazard and Pulisic"

Arrinta ayaa haatan gabi ahaanba ka duwan haatan sidaas, Chelsea oo uu suuqu ka xidhnaa waxa ay haatan la tartamaysaa kooxihii la filayay inay horyaalka kaligood ku loolamaan ee Manchester City iyo Liverpool.

Xalka Blues ayaa noqday ugu horreynba tababare Frank Lampard, Marka labaad da’yarta amaahda kasoo laabatay ee Chelsea iyo marka saddexaad saxeexii ay sameeyeen ganaaxa kahor ee Christian Pulisic oo saamayn leh kulamadan ugu dambeeyay.

Advertisements

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku muujin doonaa isbar-bardhiga Hazard iyo Pulisic oo booskiisii uga ciyaara haatan Chelsea kaddib min 11 kulan oo ay usoo kala ciyaareen kooxahooda.

20 sano jirka ree America ayaa 11 kulan ee uu kusoo ciyaaray maaliyada Buluuga ah Chelsea shan gool iyo saddex gool caawimo uga soo sameeyay tartamada Premier League iyo UEFA Champions League.

Dhinaca kale 28 sano jirka ree Belgium ayaa 11 kulan oo uu usoo ciyaaray kooxdiisa riyada ee Los Blancos kusoo dhaliyay 1 gool laba kalena caawiye kasoo ahaa.

Xogtan ayaa ah mid uu gacanta sarre ku leeyahay Pulisic oo Chelsea ay 58 Milyan kula soo wareegtay horraantii sanadkan halka lagaga sarreeyo Hazard oo heshiis guud ahaan 150 Milyan gaadhi kara ugu biiray Madrid suuqii xagaaga.

Advertisements