“Isagu Waa Difaaca Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan, Laakiin Anigu Waxaan Dooran Lahaa Vidic” – Rio Ferdinand Oo Iska Diiday La Ciyaarista Van Dijk

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa qirtay sida uu u jecel yahay hab-difaaceedka xiddiga Liveprool ee Virgil Van Dijk oo Reds ka caawiyey inay ku guuleysato Champions League iyo FIFA Club Wold Cup, sidoo kalena qarka u saaran hanashada horyaalka Premier League oo jamaahiirta Reds ay isku diyaarinayaan dabbaal-deggiisa markii ugu horreysay muddo soddon sannadood ah.

Rio Ferdinand oo ay da’diisu tahay 41 jir, waxa uu sheegay in daafaca waqtigan ugu wanaagsan dunidu uu yahay xiddiga Liverpool ee Van Dijk, laakiin waxa uu isbarbar-dhig ku sameeyey saaxiibkiisii Old Trafford ee Vidic, kaas oo uu sheegay in qaladaadka uu sameeyo uu asturi jiray, isaguna uu sidaas oo kale u samayn jiray.

Rio oo ka haldayay telefishanka BT Sports waxa la weydiiyey midka uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro Virgil van Dijk iyo Vidic, waxaanu yidhi: “Van Dijk ama Vidic? Oooh, waa su’aal wanaagsan.”

“Anigu waxaan dooranayaa Vidic, sababtoo ah waanu nin aanu iska soo garab ciyaarnay, waa saaxiibkay. Ceebtayda ayuu asturi jiray, aniguna tiisa ayaan dedji jiray. Hadalba waa intaas. Laakiin Van Dijk waan jecelahay, qaladna ha ii fahmina, waan jecelahaye. Xaqiiqdii isagu waa difaaca ugu wanaagsan dunida waqtigan.” Ayuu yidhi raaciyey.

Rio Ferdinand waxa uu tibaaxay inuu jeclaan lahaa inuu arko Van Dijk oo ciyaaraya waqtigiisii, waxaanu yidhi: “Waxaan jeclaan lahaa inaan arko isagoo ciyaaraya waqtigayagii, waxaynu arki lahayn waxa uu yahay. Taas ayaa ahaan lahayd wax xiiso leh, laakiin isagu waa ciyaartoy sare.”

Virgil van Dijk ayaa sannadkii hore kaalinta labaad ka galay xiddiga ugu fiican dunida, waxaana dhibco yar kaga guuleystay Lionel Messi oo bishii December la guddoonsiiyey Ballon d’Or.

Laakiin, Ferndinand iyo Vidic ayaa iyaguna waqtigoodii waxay ahaayeen cudud adag oo aan dhayal lagu jabin karin, waxaanay iyagoo ka hoos ciyaaraya Sir Alex Ferguson ku guuleysteen shan Premier League, Champions League iyo koobab kale oo maxalli ah.