“Isagu 80% Waa Ciyaaryahan Atletico Madrid Ah” – Mid Kamida Xiddigaha Real Madrid Oo La Sheegay Inuu Ku Dhaw Yahay Inuu Diego Simeone La Midoobo

Kubad sameeyaha kooxda Real Madrid ee James Rodriguez ayaa lagu soo warramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda ay kooxdiisa xifaaltamaan ee Atletico Madrid oo iyadu si weyn saxeexiisa u doonaysay ilaa sanadkii hore.

James Rodriguez ayaa xilli ciyaareedkan kusoo noqday kubadda cagta Spain kaddib laba sano oo amaah ah oo uu Bayern Munich kusoo qaatay balse waxa uu marnaba fursadii uu filanayay ka heli waayay Zinadine Zidane.

Haatan Los Blancos ayaa doonaya inay iska fasaxaan oo ay lacag ka sameeyaan si ay ugu galaan suuqa oo ay ugula soo wareegaan ciyaaryahanada ay qorshaysteen saxeexooda.

Saxeexa 28 sano jirkan ayaa ah mid ay doonayaan kooxo badan oo Premier League ahi laakiin Atletico Madrid ayaa ah kooxda booska wanaagsan u joogta saxeexiisa sida uu sheegay suxufiga ree Colombia ee Javier Hernandez Bonnet.

Javier Hernandez Bonnet ayaa shaaca in wada xaajoodka labada kooxood uu yahay mid meel wanaagsan maraya isla markaana uu James boqolkiiba siddeetan yahay ciyaaryahan Atletico ah.

Bonnet oo ka faaloonaya heshiiska James ee Atletico Madrid ayaa yidhi “Haddii Real Madrid ay doonayso inay dib u hesho badh kamida lacagteeda, waxay u baahan yihiin inay heshiiska gabo-gabeeyaan”

“Haddii aysan sidaas samayn inta u dhaxaysa haatan ilaa December, James waxa uu noqon doonaa mid xor ah, Real waa inay albaabka u furto James, ilo lamid ahi kuwii noo sheegay markii uu Bayern Munich u dhaqaaqay ayaa sheegay in hawl-galka 80% la dhammaystiray”

Dhinaca kale suxufi Hernandez ayaa sheegay in xiddigan ay isku dhalashada yihiin ku faraxsan yahay waxkasta oo heshiiska la xidhiidha min hanaanka ciyaareed ee qandaraaskan ilaa dhinaca aragtida shaqsiga ah.

Xilli ciyaareedkan James ayaa kaliya 13 kulan usoo ciyaaray Los Blancos isaga oo 8 jeer kusoo bilawday, waxa uu soo sameeyay 1 gool iyo 1 caawimo halka kulankiisii ugu dambeeyay ee La Liga uu ahaa 19-kii bishii October.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook