Isagaba Lama Ganaaxin!! – Arsenal Oo Eeganaysa Ciyaartoy Liverpool Ah Oo Aan La Ganaaxin Sabtidii Isla Markaana Doonaysa In Ganaaxa Laga Khafiifiyo Aubameyang.

Advertisements

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay rajo weyn ka qabta in kabtanka kooxdeeda ee Emerick Pierre Aubameyang laga yarayn doono ganaaxa saddexda kulan ah ee gadhka loo galiyay kaddib kaadhkii casaa ee uu dhawaan qaatay.

Aubameyang ayaa laga saaray kulankii ay kooxdiisu bar-bardhaca lasoo gashay Crystal Palace toddobaadkan kaddib qalad aad u xun oo uu ku sameeyay xiddiga kooxdaas ee Max Meyer.

Waxa jira dareen ka dhex taagan kooxda ree London haatan oo ah in ganaaxa saddexda kulan ah ee Aubameyang uu yahay mid badan oo sidoo kalena aysan wax racfaan ah oo rasmi ah u gudbin doonin maamulka horyaalka.

Kooxda ayaa aaminsan in Aubameyang uusan isticmaalin awood dheeri ah taasina ay soo muuqanayso marka muuqaalka dib loo daawado.

Sidoo kale Gunners ayaa qaba aragtida ah in taakalo badan oo lamid ah kuwaas Aubameyang oo kale ah laga sameeyay horyaalka xilli ciyaareedkan balse aan lagu bixinin wax kaadhadh ah oo casaan ah.

Si kastaba, Dhacdada ugu dhaw ee ay adeegsanayso Arsenal ayaa ah midii daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andrew Robertson uu toddobaadkan kasoo sameeyay kulankii ay guusha kasoo gaadheen Tottenham.

Robertson ayaa daqiiqadii 66-aad ee kulankaas cadaadis lugta ka saaray daafaca Spurs ee Japhet Tanganga balse gabi ahaanba wax ganaax ah ayaan la dul dhigin isaga oo kulanka sii dhammaystay.

Advertisements

Waxa intaas dheer in Arsenal ay diyaarsatay caddaymaha ah qaladaad xiddigaheeda lagu sameeyay oo noocaas oo kale ah gaar ahaan Mateo Guendouzi kulankii Norwich iyo Nicolas Pepe kulankii West Ham United laakiin aan wax casaan ah lagu bixinin.

Advertisements