Isaga Ayaa Ka Fiican Neymar!! – Barcelona Oo HAL Ciyaartoy Oo Kooxdeeda Jooga Uga Dhaaratay PSG Xilli Ay U Arkaan Inuu Xataa Ka Fiican Yahay Neymar!!.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay ilaa haatan wadaan wada hadalada ay kula jiraan dhigooda Paris Saint-Germain kulan shalay ka qabsoomay caasimada France oo lagu gorfaynayay arrimaha Neymar JR.

Saxaafada kala duwan ayaa ilaa haatan warar kala duwan kasoo saaraya kulankaas ay labada dhinac isla qaateen balse waxa la isku raacsan yahay ayaa ah in waxkasta ay sidii hore ka dhaw yihiin isla markaana wada hadaladu meel fiican marayaan.

Barcelona ayaa diiday inay marnaba bixiso lacag ka badan 100 Milyan iyadoo ka fikiraysa inay laba ciyaartoy ama hal ciyaartoy heshiiska qayb kaga dhigto halka ay Paris lacag iyo ciyaartoy intaa ka duwan dalbanayso.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Kooxda Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Dhamaystirka Difaacii Chelsea Ee David Luiz Iyo Lambarka Uu Qaatay Oo La Shaaciyay.

Ivan Rakitic iyo xiddiga dhibaatada weyni ku haysato Camp Nou ee Philppe Coutinho ayaa loo arkaa labada ciyaartoy ee ay u badantahay inay u wareegaan dhinaca Parc des Princes haddiiba heshiis la isku waafaqo.

Si kastaba, Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegaya in tababaraha PSG ee Thomas Tuchel uu isagu si gaar ah u dalbanayo in Barcelona ay kusoo wareejiso Ousmane Dembele halkii ay Coutinho iyo Rakitic kusoo wareejin lahaayeen.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa haatan sheegaya in Barcelona aysan marnaba Paris siin doonin Dembele oo ay u aragto mustaqbalka kooxdeeda isla markaana ay doonayso inay is caawiyaan isaga iyo Antoine Greizmann oo dhawaan kooxda yimid France-na ay kasoo wada jeedaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  “Paul Pogba Wuxuu U Baahan Yahay In Dabada Laga Laado Sidii Cristiano Ronaldo Isagoo Fiicnaan Doona”

Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa Laba jeer si cadaan ah saxaafada uga hor sheegay in Dembele uu ka wanaagsan yahay Neymar oo ay haatan suuqa ka doonayaan waana sababta caddaynta u ah inay meel fog ka taagan yihiin iibintiisa.

Mundo Deportivo ayaa intaas ku daraya in Barcelona ay Dembele ku qiimaynayso lacag dhan 200 Milyan waana mid ka hooseysa mida ay haatan Neymar ku raadinayaan.