Inuu Sanka Ka Jabiyay Diego Costa, Sababtii Ka Dambeysay & Fikayo Tomori Oo Ka Sheekeeyay Wixii Ka Dhacay Xerada Tababarka Cobham Saddex Sano Ka Hor.

Daafaca da’da yar ee isku muujiyay wakhtigiisa haatan ee Blue (Fikayo Tomori) ayaa ka sheekeeyay wixii dhexmaray isaga iyo Diego Costa sanadkii 2016 markaas oo ay labada ciyaartoy tababar ku qaadanayeen Cobham, warbaahinta Ingiriiska ayaana dib u eegis ku sameysay sheekadaan xiisaha leh.

Fikayo Tomori ayaa sanka ka jabiyay dagaal yahanka reer Spain Diego Costa, balse wuxuu saxaafadda u sheegay iney wax walba ahaayeen shil isla markaana uu ogaaday subaxii dambe wixii uu sameeyay markii ay soo daabaceen dhawr wargeys.

Da’yarkaan wuxuu saxaafadda u sheegay inuu aad ula yaabay sida dhaqsada leh uu hormarka ku sameeyay, Lampard ayaana ku aaminay daafaciisa dhexe kadib markii uu kooxda ka diray David Luiz.

21-jirkaan bandhigiisa kooxda Blues waxey u sahashay in looga yeero qaranka England markii ugu horreysay, balse wuxuu iska diiday inuu u ciyaaro Nigeria iyo Canada.

Marka aan dib ugu laabano wixii dhexmaray Tomori iyo Costa, bishii February 2016 ayey aheyd markii xiddiga haatan ee Atetico Madrid uu u duulay magaalada Milano si uu daaweyn ugu soo qaato halkaas, wuxuuna dhawr maalmood kadib soo laabtay iyadoo loo soo xiray maaskaro.

“Haa waan xasuustaa, waxaan wali ku jiray iskuulka, warna uma heynin waxa aan ku sameeyay tababarka” ayuu yiri Fikayo Tomori.

“Waxey aheyd wax saxan, waayo maalintaas ayaa iigu dambeysay inuu Costa tababarka igu dhibaateeyo”

“Markaan dib ugu laabtay iskuulka, qof walba wuxuu i weydiinayaa waxa arintaan ku saabsan sida inaan ahay wiilyar oo 10 ama 11-jir ah, dhamaan saaxiibadeyda kooxda wey arkayeen”

“Waxey aheyd shil, labadeenu waxaan damacnay inaan kubadda madaxeyno, aniga ayaa gadaal kubadda u tuuray, wuxuuna isku dayay inuu dhaliyo goolka, sidaas darteed madaxeyga qeybta dambe ayuu sanka ku dhuftay, wuuna ka jabay”

“Ma garan karin wixii aan sameeyay ilaa maalintii xigtay aan ka arko wargeysyada, waxaan helay fariimo badan sida inaan ulakac u sameeyay, balse waxey ahaayeen wax walba shil”