Inuu Ka Hadhay Kooxdii U Safartay Kulankii Bordeaux, Tababarkii Uu Seegay & Talaabooyinka Uu Qaadayo Adrien Rabiot Oo Caddayn Buuxda U Ah Rabitaankiisa Barcelona.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot ayaa u muuqda mid maalmihii ugu dambeeyay qaadayay talaabooyin cad oo uu kaga soo horjeedo kooxdiisa.

Rabiot ayaa markale dib u daaray xiisada ka dhex taagan isaga iyo kooxdiisa iyadoo ay kor usii kacayaan calaamada sida cad u muujinaya inuusan marnaba ku faraxsanayn kooxdiisa xilli ay kooxda Barcelona si xoogan u doonaysan suuqyadii ugu dambeeyay.

Adrien Rabiot

Dhacdada koowaad ee muranka galisay mustaqbalka 23 jirkan ee kooxda dalkiisa ayaa ah inuusan u safrin kulankii ay bar-bardhaca 2-2 ah lasoo galeen kooxda Bordeaux halka dhacdada labaad ay tahay inuu ku fashilmay ka qayb qaadashada tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda.

Dhacdooyinkaas ayaa la fahamsan yahay inay qayb ka yihiin kacdoonka Adrien uu ku doonayo inuu kooxda ka baxo isla markaana uu ku qasbo inay iska fasaxaan.

Rabiot ayaa toddobaadkii hore uu u ahaa mid dhibaato kaddib markii wadahadlo uu la qaatay tababare Thomas Tuchel ay noqdeen kuwo kaliya xaalada sii huriyay halka ay intaas usoo raaceen jamaahiirta oo ku oriyay kulankii Liverpool ee Champions League.

Sababta ismari waaga ka dhex dhalisay Rabiot iyo Paris ayaa ah inuu xiddigani dalbanayo aduun dhan 10 Milyan oo Euro waxaana ay u muuqataa mid aan macquul ahayn inuu lacagtaas helo.

Ugu dambayn, Barca ayaa si dhaw ula socota xaalada xiddigan iyadoo ay toddobaadkii hore soo baxeen warar sheegaya in maamulka suuqa ee kooxdu ay heshiis hordhac ah la gaadheen 23 jirkan iyo wakiilkiisa.