Inter Milan Oo Si Lama Filaan Ah Ula Saxeexan Karta Paul Pogba, Shaqsiga Fududaynaya & Xiddigaha Ay Doonayaan Inay Man United Kaga Bedeshaan.

Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa inay si lama filaan ah ugu guulaysato saxeexa xiddiga khadka dhexe ee Manchester United ee Paul Pogba isla markaana ay ka hor qaadaan kooxaha safka dheer ugu jira oo ay ugu horreeyaan Juventus iyo Barcelona.

Shaqsiga riyadan u rumayn kara Inter ayaa lagu sheegay agaasimihii hore ee ciyaaraha ee Juve Giuseppe Marotta oo dhawaan ka tagay Bianconeri isla markaana qarka u saaran inuu booska agaasimenimo u qabto Nerazurri.

Madaxda ree China ee leh mulkiyada kooxdan ree Italy ayaa u sheegay Marotta oo ahaa ninkii Pogba geeyay Juventus inuu dareemo xoriyad dhinaca kharash gareynta suuqa xagaaga dambe ah.

Iyadoo laga warqabo in tababaraha Man United ee Jose Mourinho uu xiiso u qabo xiddigaha Inter ee Milan Skrinar iyo Ivan Peresic ayuu wargeyska Tuttosports sheegayaa in Marotta oo labadaas xiddig u bandhigi doono Jose si uu 25 jirka ree France gacanta ugu dhigo.

Wargeyska ree Talyaani ayaa intaa ku daraya in wadahadalada labada dhinac aysan wali bilaaban balse ay deg deg u furmi doonaan kaddib marka ay hubiyaan inay ka badbaadayaan xeerka dhaqaale wanaaga kubadda cagta Yurub.

Inter Milan ayaa la xasuustaa qaabkii ay Man United ugu adkaysay saxeexa Ivan Peresic xagaagii hore markii xataa Mourinho uu saxaafada si cad ugu sheegay inuu doonayo saxeexa 30 jirka ree Croatia.

Si kastaba ha ahaatee, Ma cada haddii United ay isku darka Perisic iyo Skriniar ku ogolaan doonto inuu Pogba ka baxo Old Trafford, Sidoo kale Paul qudhiisu ayaa go’aansan doona haddii uu matalayo koox cadaawad weyni kala dhaxasyo kooxdiisii Juventus.