Intaanad Odhan Aad uga Fiirso!! – Qoraal Ay Barcelona FADEEXAD Ku Baday Real Madrid 10 Sano Kahor Oo Haatan Iyada Dib Loogu Caayay & Caddaynta.

Dabcan wakhti dheer ayaa kasoo wareegay tan iyo markii ugu horreysay ee magaca Antoine Greizmann lala soo xidhiidhiyay kooxda Barcelona balse heshiiskaas ayaa ugu dambayn xalay qabsoomay.

Greizmann ayaa mudo sanado ah lala xidhiidhinayay Barcelona balse kooxdaas ayaa kaliya u baahanatay inay bixiso 120-kii Milyan ee heshiiskiisa lagu bur-burin karayay isaga oo sidaas ku noqday xiddig Barca ah.

Waxa la filayaa in maanta oo Sabti ah 28 jirkan laga qaado sawiro uu xidhan yahay maaliyada Blaugrana isla markaana berri oo Axad ah si rasmi ah loogu soo bandhigo saxaafada.

Dhinaca kale tartanka loogu jiro boosaska weerarka ayaa noqon doona kuwo sidii hore aad uga xoogan kaddib imaatinka Antoine Greizman oo la filayo inuu safka weerarka kula soo bilawdo Lionel Messi iyo Antoine Greizmann.

Sidoo kale Barca ayaa maanka ku haysa inay dib ula soo saxeexato xiddigeedii Neymar JR oo labadii sano ee ugu dambeeyayba kasoo ciyaarayay kooxda Paris Saint-Germain balse u muuqda mid xaalad quus ah ka taagan haatan halkaas.

In Barcelona ay soo xero-galiso Neymar ayaa noqon doonta wax dhibaato badan dhinaca maaliyadeed maadaama oo ay 120 Milyan shalay uun ka bixiyeen Greizmann.

Haddaba, Kaddib maal-gelintaas balaadhnayd ee Greizmann ay ku keensatay, Rabitaanka Neymar & Waliba inay sanadihii ugu dambeeyay lacag badan suuqa gelisay ayaa haatan dib usoo hurisay war hore,

Tobban sano ayaa laga jooga markii ay Barcelona dhigeeda Real Madrid ku digatay iyada oo ku eedaynaysa inay xiddigaha hibada leh soo iibsato balse ay iyagu (Barcelona) iskood usoo saaraan xiddigahaas.

Hadalkaas oo Twitter ahaa ayaa lagu yidhi “Barca waxay soo saartaa hibo, Real way soo iibsataa” Dabcan waa hadal gabi ahaanba lid ku ah siyaasada Barcelona ee haatan.

Caddaynta Muujinaysa Sida Ay Barcelona Uga Aamin Baxday Akaademigeedii La Masia Isla Markaana Ay Xiddigaha Hibada Leh Lacag Waaliya Ugu IIbsato Haatan

Philippe Coutinho – €135m (2018)

Ousmane Dembele – €120m (2017)

Antoine Griezmann – €120m (2019)

Luis Suarez – €82m (2014)

Frenkie de Jong – €75m (2019)

Malcom – €41m (2018)

Paulinho – €40m (2017)

XUSUUSIN: Barcelona waxay suuqa galisay lacag dhan 1 BILYAN tan iyo sanadkii 2014.