Inta Uu Neymar Doonayo In Uu Yimaado, Wax Walba Waanu U Samayn Doonaa-Mid Ka Mid Ah Raggii Barca U Qaabilsanaa Heshiiskii Neymar Oo Hadlay.

Kooxda Barcelona ayaan meesha ka saarin in ay suuqa bisha January la soo saxiixan karto xidiga ay heshiiskii ku fashilmeen maalmihii suuqii xagaaga ugu danbeeyay ee Neymar Jr.

Mid ka mid ah raggii ay Barcelona u xilsaartay wada xaajoodyadii Neymar Jr ayaa sheegay in ay wax walba u samayn doonaan si ay Neymar Jr ula soo saxiixdaan inta uu xidiga reer Brazil doonayo in uu soo laabto.

Javier Bordas waxa uu ka mid ahaa agaasimayaashii qaybta ka ahaa wada xaajoodyadii adkaa ee ay Barcelona la gashay kooxda PSG wuxuuna muujiyay in ay January la soo wareegi karaan Neymar.

Javier Bordas ayaa Eric Abidal ula safray magaalada Paris halkaas oo ay shirar isdaba joog ah kula yeesheen maamulka PSG laakiin waxay awoodi kari waayeen in ay heshiis isla gaadhaan.

Balse Javier Bordas ayaa erayo kooban balse mug wayn ku qeexay halka ay Barcelona ka taagan tahay soo laabashada Neymar Jr.

“Inta uu isagu doonayo in uu halkan yimaado, anagu wax walba oo aanu awoodno ayaanu samayn doonaa si ay u dhacdo” ayuu Javier Bordas sheegay isaga oo ka hadlaya sida ay ugu hawlgali doonaan soo celinta Neymar.

Laakiin Javier Bordas ayaa sheegay in soo laabashada Neymar Jr ee bisha January ay ku xidhnaan doonto awooda dhaqaale ee ay kooxdiisu yeelan doonto marka uu suuqa kala iibsigu dib u furmo sanadka cusub.

Aabaha dhalay Neymar Jr ayaa isna shalay sheegay in wiilkiisu uu si wayn u doonayo in uu Barcelona ku soo laabto halkaas oo uu sheegay in uu joogitaankeeda aad ugu faraxsanaa.

Hadalka Neymar Jr aabihii ayaa sidoo kale eedayn ku ahaa maamulka PSG iyada oo dhinacyada uu khuseeyo heshiiska Neymar ayna wali meesha ka saarin ay wada hadalka dib u furi doonaan.