Inkastoo Uu Ganaax Kuseegi Doono Kulanka Manchester Derby, Paul Pogba Oo Kalsooni Weyn Ka Muujiyay In Old Trafford Ay Saaxiibadiis Ku Xasuuqi Doonaan Manchester City.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ree France iyo kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa ka maqnaan doona kulanka xiisaha badan ee Manchester derby ee maalinka Axada soo aadan ay geesaha isku dari doonaan garoonka Old Trafford hogaamiyaasha horyaalka Premier League-ga ee Manchester City.

Laakiin kulankan kahor Paul Pogba ayaa aaminsan in saxiibadiis kale ee kooxda ku sugan inay awood buuxda u leeyahay in dhigooda Manchester City ay badi karaan gul daradii ugu horeeyay ee horyaalka Premier League-ga xili ciyaareedkan.

Laacibka ree France oo saddex kulan ganaax kaga maqnaan doono shaxda Jose Mourinho, sababa la xidhidha kaarkii roosaha uu qaatay kulankii Asenal ayaa wuxuu sheegay in Red Devils ay muhiim tahay in kulankan ay guul ka gaadho dhigeeda Sky Blues markii ugu horeysay kulan Premier League-ga ah, kadib markii ay ku guuldareesatay 3 kulan ay isaga hor yimaadeen horyaalka dalka England.

24 jirkan reer France ayaa la wadaagay saxaafada kahor kulanka Manchester derby: “Waxaan kalsooni buuxda ka muujinayaa, xitaa hadii aan ka maqanahay kulankan inaan guul weyn oo muhiim ah ka gaadhi doonon, waan la socon doonaa oo aan daawan doonaa, waxaana rajeenayaa in saddexda dhibcood aan kaga qaadan doono Man City”.

Pogba ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: “Waa inaan ka faa’ideysanaa fursadaha ina soo mara sida ay tahay, sababtoo ah waxaan la ciyaareenaa hogaamiyaasha horyaalka Premier League-ga ee Manchester City, City waa koox aad u adag gaar ahaan dhanka weerarka, xili kasta ayeyna go’aamin karaan ciyaarta”.

Si kastaba laacibka ree France ee Paul Pogba ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo kulankii UEFA Champions League-ga ay 2-1 kaga adkaadeen kooxda CSKA Moscow, wuxuuna si buuxda kaga caawiyay kooxdiisa inay kulankan guul gaadho, kadib markii uu ka caawiyay Romelu Lukaku goolkii uu kulankan ka dhaliyay, kaasoo ah goolkiisii 2aad, kadib 13 kulan uu kaga soo muuqday Manchester United dhamaan tartamada oo idil.