Inkasta Oo Aanu Go’aan Rasmi Ah Ka Gaadhin Tababarihii Maamuli Lahaa Kooxdiisa Xilli Ciyaareedka Cusub, Roman Abramovich Oo Suuqa Ugu Jira Sidii Uu Kooxdiisa Ugu Soo Kordhin Lahaa Saddex Saxiix.

Mulkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa suuqa u galay kooxdiisa Chelsea sidii uu xilli ciyaareedka cusub horumar ugu samayn lahaa xiddigaha safka kooxdiisa isagoo ay wali miiska u saarantahay inuu go’aan ka qaato tababarihii xilli ciyaareedka dambe majaraha u qaban lahaa kooxdiisa.

Mulkiile Abramovich ayaa diyaar u ah inuu kooxda ka caydhiyo tababaraha haatan ee kooxdiisa ee Antonio Conte isaga oo taa badalkeeda isku diyaarinaya inuu magacaabo Maurizio Sarri oo dhawaan isaga tagay shaqada kooxda Napoli haatana diyaar u ah inuu qabto shaqada Blues, Sababaha ugu weyn ee uu Abramovich shaqada uga xayuubin doono tababaraha ree Talyaani ayaa lagu sheegay kaddib markii ay dhawr jeer aflagaado qaawan kala kulmeen isaga oo ku eedeeyay madaxda kooxdu inaysan sidii uu rabay ciyaartoy ugu keenin.

Haddaba wargeyska Dailly Mail ayaa soo bandhigay saddexda saxiix ee uu Abramovich ka shaqaynayo si uu horumarin ugu sameeyo kooxdiisa, Saxiixa koowaad ayaa ah goolhayaha AS Roma ee Alisson Becker kaas oo kooxo badan lala xidhiidhinayo laakiin mulkiile Abramovich waxa uu doonayaa inuu ka hor qaado kooxahaas isaga oo ka warqaba in goolhayaha haatan ee kooxdiisa ee Thibaut Courtois uu aad u danaynayo ku laabashada magaalada Madrid.

Saxiixa labaad ayaa ah daafaca da’yarka ah ee kooxda Juventus iyo xulka Talyaaniga ee Daniele Rugani, Daafacan ayaa bartilmaameed u ah kooxda Chelsea isagoo Abramovich daafacyada haatan ee kooxdiisa ee Gary Cahill iyo David Luiz u arka kuwo waawaynaaday isla markaana aan sidii hore u caawin karin kooxda, Saxiixa saddexaad ayaa lagu sheegay inuu yahay isla da’yarkii koobka aduunka sida weyn ugasoo dhalaalay ee Aleksandr Golovin kaas oo bandhig weyn u sameeyay xulkiisa Ruushka isagoo mulkiilaha Chelsea u arka xiddgan inuu wax cusub keeni karo Stamford Bridge.

Haddiiba uu Roman Abramovich ku guulaysto inuu dhammaystiro saxiixyadan waxa hubaal ah inuu si weyn wax ugu taray tababaraha xilli ciyaareedka dambe hor kici doona kooxda balse aan wali cadayn shaqsiga uu noqon doono.