Iniesta Oo Ka Warbixiyay Hadalka Josep Maria Bartomeu Uu Ku Taageeray Koobka Aduunka 2018 Xulka Qaranka Argantina, Muxuuse Ka Yidhi Cristiano Ronaldo?.

Kabtankii hore ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa ka hadlay, hadalkii dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu, kadib markii uu sheegay inuu koobka aduunka 2018 taageeri doono xulka qaranka Argantina sababa la xidhiidha Lionel Messi.

Andres Iniesta ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa wuxuu kaga hadaly hadalka Josep Maria Bartomeu wuxuuna yiri: “Waxaan fahansanahay rajada uu ka qabo Bartomeu in uu xulka Argantina uu ku guuleysto koobka aduunka ay sabab u tahay xidig ka tirsan kooxda Barcelona”.

Kabtankii hore ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa wuxuu dhinaca kale sheegay: “Laakiin Josep Maria Bartomeu wuxuu ku farxi doonaa hadii uu midkood ku guuleysto koobka aduunka ee 2018 xulalka Spain iyo Argantina”.

Dhinaca kale Andres Iniesta ayaa amaanay kabtanka Xulka Qaranka Portugal Cristiano Ronaldo, kahor kulanka ay isku arki doonaan xulalka Portugal iyo Spain koobka aduunka ee 2018 wuxuuna yiri: “Cristiano Ronaldo wuxuu muhiim u yahay koox kasta, sidoo kale xulka qaranka Portugal”.

Xulalka Portugal iyo Spain ayaa kulankooda ugu horeeya ee koobka aduunka 2018 ku wada ciyaari doonaan jimcaha soo aadan, waxaana labadan xul qaran la filayaa inay kasoo gudbi doonaan group-kooda.