Iney Xun Tahay Shaqsiyadda Guardiola, Wixii Uu Kala Kulmay Mourinho & Samuel Eto’o Oo Ka Sheekeeyay Qofka Badalay Noloshiisa Kubadda Cagta.

Weeraryahankii hore xulka Cameroon Samuel Eto’o ayaa meel fagaare ah kaga hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan noloshiisa kubadda cagta, wuxuuna ka sheekeeyay saddex tababare oo noloshiisa saameyn ku yeeshay intii uu ku jiray xirfadiisa kubadda cagta.

Samuel wuxuu qiray in Pep Guardiola uu yahay shaqsi aad ugu fiican inuu tababaro ciyaartoyda, balse aan laheyn shaqsiyad wanaagsan, labadaan shaqsi waxey ka wada shaqeeyeen garoonka Camp Nou.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay wada shaqeyntii soo dhexmartay isaga iyo Jose Mourinho, balse wuxuusan marnaba iloobi doonin wixii uu ka dhaxlay Luis Aragones.

“Waan Jeclahay tababare ahaan, balse ma jecli shaqsi ahaan” ayuu yiri Eto’o.

“Waxaan ka bartay wax badan oo kubadda cagta ah, wuxuuna kuugu sharraxayaa waxyaabaha si ka badan qof walba oo kale”

“Waa kan ugu wanaagsan, balse sidaas oo ay tahay mararka qaar wuxuu lumiyaa kulamo”

Dhinaca kale Eto’o wuxuu Inter Milan kula shaqeeyay Jose Mourinho, inkastoo uu bilowgii ka arkin wax wanaag ah hadana wuxuu tilmaamayaa sidii ay wax walba isku badaleen.

“Muddo bil ah ayuu kursiga igu hayay isagoo igu amrayay inaan rucleeyo daqiiqadaha ugu dambeeya ciyaarta” ayuu yiri Samuel.

“Waxaa madaxiisa ka guuxayay oo uu doonayay inuu iga dhigto ciyaartoydiisa gaarka ah, xafiiskiisa ayaan kula hadlay, waxeyna aheyd waxa uu iga doonayay, inaan lasoo laabto heerkeyga ugu fiican”

“Waan sameeyay, wax walba ayaan ku guuleysanay, waxaan aheyn koox ka kooban 11 dagaalyahan, wax badan oo kala duwan ayaan ku guuleysanay”

Ugu dambeyntii wuxuu amaan aan lasoo koobi karin u jeediyay tababarahii hore geeriyooday qaranka Spain Luis Aragones, waana shaqsiga badalay nolosha Samuel Eto’o.

“Hadii ay noqon laheyd inaan hal tababare la shaqeeyo, dhabtii wuxuu ahaan lahaa Luis Aragones”

“Wuxuu badalay nolosheyda, xafiiskiisa ayaan ku wada hadalnay isagoo ku sugan Mallorca, wuxuuna gabi ahaan badalay nolosheyda ciyaariyahan ahaan”

“Wuu ii wacay, isagoo igu leh: Samuel, wax walba ayaad ku sameysay Mallorca, balse hadda waa wakhtigii aad aadi laheyd koox weyn, halkaas ayuu yahay heerkaaga dhabta ah”

“Wuxuu arkay wax aan aniga arki waayay, wuxu ahaa qof khaas ah, yaqaana sida loola falgalo shaqsiyadda qofka, hadii aan tababare noqdo sharaf weyn ayey ii noqon laheyd hadaan isaga oo kale noqdo”