In Wax Badan Ay Iska Badaleen Dabeecada Neymar Jr, In Uu Ku Qanco Booska Saddexaad Kadib Messi Iyo Ronaldo & Dhowr Arimood Uu Ka Hadlay Roberto Carlos.

Xiddiga reer Brazil Roberto Carlos ayaa ka hadlay laacibka ay isku wadanka yihiin ee Neymar da Silva, kaasoo ka soo laabtay dhaawac canqawga ah,  wuxuuna ku soo biiray liiska Samba ee Koobka Adduunka 2018.

Roberto Carlos ayaa wuxuu ugu horeyn ka hadalkiisa Neymar Jr ku bilaaway: “Dabeecada Neymar Jr wax badan ayaa iska badaly, gaar ahaan tan iyo markii uu xidhiidh la yeeshay gabadha jilaada ah ee Bruna Marquezine, dabcan Jaceylka dhabta ah saameyn badan ayuu ku yeeshaa dabeecada qofka”.

Halyayga xulka qaranka Brazil ayaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay”Haatan Neymar wuxuu in badan ka qeyb gala xafladaha, wuxuu qaadaanayaa da’adiisa, laakiin bilawga caanimadiisa sidaas ma uusan ahayn, xaalada haatan wax badan ayaa isbedelay.

KASOO TAGISTIISA KOOXDA BARCELONA.

Roberto Carlos ayaa horey ugu taageeray Neymar Jr inuu u dhaqaaqo kooxda Paris St Germain xagaagii lasoo dhaafay, kadib markii la kansalay heshiiskii uu ku joogay kooxda Barcelona wuxuuna yidhi: “Wuxuu doonayay inuu noqdo kan ugu fiican aduunka, waxaan qabaa inuu ku qasbanaa ka tagista kooxda Barcelona, sababa la xidhiidha inuu Lionel Messi ku sugan yahay”.

Difaacii hore xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid ayaa qirtay in Neymar uu ogolaado joogitaanka booska saddexaad kadib Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri: “Waa inaan ogaanaa inuu ka danbeeyo Messi iyo Ronaldo, waa inuu ku qancaa booska seddexaad”.