In Uu Xanuunsado Ayaa Fiican, Cristiano Ronaldo Ayaa Dhiiro Galiye Ka Ah Messi- Madax Waynaha Lyon Ee Jean-Michel Aulas Oo Messi Ka Sii Cadhaysiiyay.

Madax waynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa ka hor kulanka kooxdiisa Lyon soo dhawaynayso Barcelona waxa uu saxaafada ka hor sheegay hadal ayna jeclaysan jamaahiirta Lionel Messi isla markaana ay suurtogal tahay in uu ka shalayn karo kadib kulanka Champions League ee caawa dhex mari doona Lyon iyo Barcelona.

Jean-Michel Aulas ayaa sheegay in Lionel Messi ayaanu dhiire galiye ku soo noqon kooxdiisa mararkii ay ka hor yimaadeen wuxuuna sheegay in Cristiano Ronaldo uu ahaa kan Manchester United dhiiro galiyay wuxuuna madax waynaha Lyon ku dooday in ay fiicnaan lahayd in caawa uu xanuunsado Lionel Messi..

Dhinaca kale madax waynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa cadeeyay in agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona ee Eric Abidal uu haddaba kala soo xidhiidhay hal ciyaartoy oo kooxdiisa ka tirsan laakiin waxa uu beeniyay in uu Mendy yahay.

Madax waynaha Lyon ee Jean-Michel Aulas oo Cristiano Ronaldo oo uu sanadkii 2004 kii Man United kaga hor yimid ka horaysiinaya Lionel Messi ayaa yidhi: “Waa Cristiano Ronaldo oo Manchester United la joogay 2004 kii. Waqtigii nasashada ayaanu ku hogaaminaynay 2-0, kalidii ayaana u soo laabtay, waxa uu ahaa gantaal”.

Jean-Michel Aulas oo ka hadlaya in uu Beckham iyo Lionel Messi ka hor yimid balse aanu xidiga reer Argentina dhiire galiye ku noqon ayaa yidhi: “Waxaanu wajahnay wiilasha sida Beckham, Messi inkasta oo aanu xidiga reer Argentina waligii aad dhiiro galiye kulamadii uu nagaga hor yimid ku noqon”.

Jean-Michel Aulas ayaa rajaynaya in ay sii waarto saamayn la’aanta uu sheegay in Lionel Messi uu kaga soo jiray kulamadii kooxdiisa wuxuuna yidhi: “Waxaanu rajaynaynaa in ay sii waarto. Laga yabee in uu xanuunsado ama hargab qabo taasi wax fiican ayay noqon kartaa”.

Laakiin tababaraha kooxda Lyon ee Bruno Génésio ayaa cadeeyay in uu diyaarsaday qorshe Anti-Messi ah kaas oo uu xidiga reer Argenina ku joojinayo wuxuuna yidhi: “Qorshaha ka dhanka ah Messi (Anti-Messi Plan) waxa uu noqon doonaa mid wada jir ah halkaas oo ay noqon doonto in aanu dhamaan ka jawaabi doono. Waxaa waajib nagu ah in aanu khadka dhexe xoojino oo aanu cadaadis ku wareejino Messi”.

Ugu danbayn tababaraha Lyon ee Bruno ayaa sheegay sababta aanu hal ciyaartoy ugu calaamadin karin Lionel Messi wuxuuna yidhi: “Haddii aad nin isaga oo kale ah si shaqsi ah u calaamadiso, waqti ka mid ah ayuu farqiga samayn doonaa”.

Sidaa daraadeed, waxaa la sugayaa in ciyaartoyda kooxda Lyon ay diirada wada saari doonaan Lionel Messi taas oo fursad wayn siin karta ciyaartoyda kale ee sida Ousmane Dembele iyo Lius Suarez oo weerarka kula soo bilaaban doono Messi.