In Ronaldo Uu Ku Soo Kordhin Karo Juventus Qaab Ciyaareed Qaas Ah, Inuusan Wax Dhibaato Ah Ku Qabi Doonin Ka Garab Ciyaarista Cristiano & Dhowr Arimood Uu Ka Hadlay Douglas Costa.

Ciyaaryahanka khadka dhexe xulka qaranka Brazil iyo kooxda Juventus Douglas Costa ayaa kalsooni ku qabay inuu waxyaabo badan kusoo kordhin doono laacibkii hore Real Madrid Cristiano Ronaldo imaatinkiisa Bianconeri.

Douglas Costa ayaa dhinaca kale aaminsan in Cristiano Ronaldo uu ka dhigi karo kooxda Juventus inay yeelato qaab ciyaareed heer sare ah,kadib imaatinkiisa, wuxuuna dhinaca kale tooshka ku ifiyay awooda ciyaareed ee kabtanka xulka qaranka Portugal.

Laacibka reer Brazil ayaa wareysi uu ku bixiyay mid ka mid ah Taleefishanada dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay: “Juventus waxay noqotay koox qaab ciyaareedkeeda uu heersare yahay, waxayna dooneysaa in ay sare u sii qaado tayada kooxda, Cristiano Ronaldo wuxuu leeyahay awood dhan kasta ah ee ina siin karta qaab ciyaareed qaas ah”.

Douglas Costa  ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Cristiano Ronaldo xaqiiqdii waa ciyaaryahan muhiim ah, sidoo kale waa inaadan ilaabin Paulo Dybala, aniga ahaan ma wajihi doono wax dhibaato ah sababtoo ah waxaan kas soo garab ciyaaray, ciyaartoy waaweyn sida Neymar Jr oo kale”.

Kooxda kubada cagta ee Juventus ayaa kula soo saxiixatay Cristiano Ronaldo heshiiska ugu qaalisanaa taariikhda kooxda Bianconeri oyo guud ahaan kubada cagta dalka Talyaaniga, kadib markii ay kula soo wareegtay 105 milyan euro, lagu daray 12 milyan euro ee ah lacagaha kala wareejinta, wuxuuna qalinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa iyo 2022 , isagoo mushaar ahaan u qaadan doono sanadkii aduun dhan 30 milyan euro.

Si kastaba kooxda Juventus ayaa ku bilaabaneysa xili ciyaareedka cusub ee 2018/2019 in ay dagaalan xoogan u gasho sida ay ugu guuleysan lahayd koobka tartanka xiisaha badan ee Champions League, kadib markii ay lasoo saxiixdeen xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Leonardo Bonucci.