In Real Madrid Ayna Bixin Karin 400 Milyan Ee Neymar Lagula Wareegi Karo, In Ay Doonayaan Sidii La Liga Uga Sare Mari Lahaa Magacyada Messi, Ronaldo & Kooxaha Waa Wayn Iyo Waxyaabo Uu Ka Hadlay Madax Waynaha La Liga Ee Javier Tebas.

Madax waynaha maamulka horyaalka La Liga ee Javier Tebas isla markaana ka mid ah taageerayaasha gaarka ah ee Real Madrid ayaa sheegay in kooxda Santiago Bernabeu ka dhissan ee Los Blancos ayna awoodin in ay bixiso lacagta 400 milyan euros ah ee ay PSG ku iibin karto xidiga ree Brazil ee Neymar Jr.

Javier Tebas ayaa sidoo kale ka hadlay qalabka casriga ah ee muuqaal caawiyaha garsooraha VAR kaas oo uu xusay in ay kulamada xili ciyaareedka ka horeeya sii tijaabin doonin isla markaana ay haddadaba si buuxda ugu sharaxeen kooxaha horyaalka La Liga, ciyaartoyda iyo waliba garsoorka.

Horyaalka La Liga ayaa xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay dhexda ugu soo jiray murano xoogan oo dhinaca garsoorka ah laakiin ugu danbayn waxaa tijaabo lagu samayn doonaa VAR kaas oo la filayo in uu wax badan caawin doono garsoorka la Liga.

Dhiaca kale madax waynaha horyaalka La liga ee Javier Tebas ayaa sheegay in ay doonayaan sidii aanu horyaalka dalka Spain u noqon mid kaliya ku tiirsan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ama kooxo gaar ah balse uu noqdo shirkad ka xoogan badan ciyaartoyda iyo kooxaha.

Ugu horayn Javier Tebas oo ka hadlaya sida ayna Real Madrid u awoodi karin in ay bixiso 400 milyan euros si ay Neymar ula soo wareegto ayaa yidhi: ” Real Madrid ma doonayso in ay bixiso 400 milyan Yuro-da looga baahan yahay Neymar Jr. Si kastaba ha ahaatee,tirooyinka ay soo saaraan ayaa iyaga u dhawayn karta in ay qaadan karaan saxiixa sidan oo kale ah”.

Xili ciyaareedka cusub ee La Liga ee 2018/19 waxaa markii ugu horaysay laga isticmaali doonaa muuqaal caawiyaha garsooraha VAR wuxuuna Tebas oo ka hadlayaa yidhi: ” Waxaanu ogaanay in hal qalad ay sameeyeen wadamadii sameeyay VAR taas oo ah xidhiidh la’aan”.

“Wax xidhiidh ah lamay samayn ciyartoyda, tababarayaasha, garsoorayaasha ama saxafiyiinta, laakiin haddaba waxaanu u tagnay kooxhaa si aanu si qodo dheer ugu sharaxno nidaamka. Kulamada xili ciyaareedka ka horeeya ayaa markii labaad loo isticmaali doonaa”. ayuu Tebas hadalkiisa sii raaciyay.

Sanadkii iyo badhkii ugu danbeeyay horumar badan ayaa laga soo sameeyay sare u qaadista horyaalka La Liga wuxuuna Tebas sheegay in ay doonayaan in horyaalka La Liga aanu noqon mid ku tiirsan ciyaartoy gaar ah sida Messi iyo Ronaldo ama kooxo.

Tabas oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: ” Hadafkayagu waa in shirkada La Liga noqoto mid ka saraysa ciyaartoydaas iyo kooxaha, waa sida uu yahay Premier league inkasta oo aanan garanayn markii ugu danbaysay ee ciyaartoy Premier league ahi ku guulaystay  Ballon d’Or.”