In Lambarka Teleefoonka Florentino Perez Aanu Haysan, Fikirkiisa Kaga Aadan Ku Biirista Kooxda Real Madrid & David de Gea Oo Dhowr Arin Ka Hadlay.

Goolhaayaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Manchester United David de Gea ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uusan heysan lambarkiisa teleefoonka, wuxuuna hadalkiisan imaanayaa mar uu ka hadlayay hadii uu doonayo ku biirista kooxda Los Blancos.

Xidiga kooxda Manchester United David de Gea ayaa wareysi uu ku bixiyay radio Cadena COPE ee dalka Spain wuxuu ku sheegay: “Uma maleynayo in Florentino Perez uu heysto lambar taleefankeyga”.

David de Gea ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Ma aqaano in arinta Real Madrid ay tahay mid wanaagsan iyo inkale, waxa kaliya aan ka war qabo ayaa ah in aan ku faraxsanahay joogitaanka kooxda Manchester United”.

Sidoo kale David de Gea oo wax laga weydiiyay in uu xiiseenayo ku biirista Real Madrid ayaa wuxuu kaga jawaab celiyay: “Ma garanayo hadii aan noqon doono goolhaayaha kooxda Real Madrid, balse waxaan ku faraxsanahay  Manchester United, waxa ugu muhiimsan aan doonayo ayaa ah inaan ku guuleysto koobab”.

David de Gea ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay hadalkiisa: “30-ka bisha august waxaan rajeenayaa inaan daganaan ku dareemo gurigeyga oo aan ka fikirin wax ama kooxdayda”.