“In La Guuldaraysto Saddex Final Champions League Waa Mid Xaqiiqdii Adag” – Jose Mourinho Oo Kasii Dayriyay Sida Uu Noqon Doono Klopp Oo Guuldarro Kala Kulma Tottenham.

Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho oo haatan xaalad shaqo tababare la’aaneed ah ku jira ayaa qiyaasay sida uu noqon doono dareenka tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo markale Final-ka Champions League ku fashilmaa.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah xaadir ku ah kulanka kama dambaysta ah ee CL waxaa ay la balansan yihiin kooxda ay England wada matalayaan ee Tottenham.

Maaha markii ugu horreysay ee uu macalinka ree Germany gaadho Final-ka tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed balse waxa uu sidoo kale lasoo gaadhay Borussia Dortmund sanadkii 2013 iyo Liverpool sanadki hore.

Klopp ayaa labadaas kulan Final ee horeba lasoo kulmay waji gabax, Kulanka hore ee Dortmund ayuu guuldarro xilli dambe ah kala kulmay Bayern Munich halka xilli ciyaareedkii hore ay markale u dhibtoodeen sababta Real Madrid.

Mourinho oo isagu guulo kusoo gaadhay tartankan laba jeerna kusoo guuleystay ayaa sheegay in Klopp ay guul weyn u noqon doonto haddii uu tartanka hanto balse dhab ahaantii ay aad ugu adkaan doonto guuldarro saddeexaad oo uu Final-ka CL ku qaabilo.

Special One oo arrimahaas ka faaloonaya ayaa hadalkiisa ku bilawday “Haddii uu Jurgen guuleysto guul uu gaadhay oo cajiib ah ayay u noqon doontaa isaga”

“Haddii Jurgen uusan guulaysan, Waad ogtihiin in la guuldaraysto saddex Champions League Final taasi dhab ahaantii waxay noqonaysaa mid adag, Laakiin isagu waa nid aad u niyad san waxa uu kaliya ka fikirayaa guuleysi”

Dhinaca kale Mourinho oo ka hadlay waxa dhici kara haddii ay Tottenham ku guuleysato tartankan ayaa sheegay in waayo cusub iyo wado cusub oo koobab ahi ay u furmi doonaan kooxda Pochettino.

“Spurs kuma guuleysanayaan koobab inay ku guuleystaan midkoodii ugu horreeyayna (Champions League) waxay noqon doontaa cajiib waxaana ay ku hoggaamin kartaa koobab kale oo gudaha ah sababtoo ah Champions League waa midka ugu weyn dhammaan koobabka”