In Kulanka Newcastle Uu Yahay Mid Aad U Adag, Sida Uu Yahay Xidhiidhka Kala Dhexeeya Ozil Iyo Dhowr Arimood Uu Ka Hadlay Unai Emery.

Tababaraha kooxda Arsenal ee reer Spain Unai Emery ayaa shaaca ka qaaday sida uu yahay xidhiidhka kala dhexeeya xidiga reer Germany ee Mesut Ozil, kadib xaladihii adkaa uu laacibka Gunners lasoo kulmay xiliyadii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Unai Emery ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulanka Newcastle United wuxuu kaga hadlay dhowr arimood ku saabsan kooxda Arsenal iyo sidoo kale kulankooda 5-aad ay kula ciyaari doonaan Sabtida Newcastle, wuxuuna kulankan ku tilmaamay inuu yahay mid aad u adag.

Macalinka reer Spain ayaa wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay: “Maalinka Sabtida waa talaabo kale ee ku aadan dhanka horyaalka Premier League, wuxuu noqon mid aad u adag kulanka aan la ciyaari doono Newcastle United, laakiin waxaan dooneynaa inaan muujino waxa ay shaqsiyadeena tahay, waxaana isku dayi doonaa sida aan guul ku gaari lahayn”.

Unai Emery ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waa inaan guuleysanaa, sidoo kale waxaa muhiim ah inaan soo guuleesanay kulankii lasoo dhafay ee horyaalka Premier League, waxaana dooneynaa inaan horumar sameyno, iyo inaan sii wadno raacista fikradaheena qaaska ah”.

Intaas kadib Unai Emery ayaa wuxuu ka hadlay in Mesut Ozil uusan kala qeyb galin xulkiisa Germany kulamada caalamiga ah, kadib markii uu dhawaan ku dhawaaqay inuu ka fariistay kulamada caalamiga ah wuxuuna yidhi: “Ciyaartoyda waxaa loo isticmaalaa inay ciyaaraan kulamada caalamiga ah, laakiin kadib gudashada waajibaadka xulalkooda, waxaa muhiim ah inay diirada saaraan kooxahooda, arinta ku aadan Mesut Ozil aniga ahaan wuxuu ii yahay muhiim”.

Emery ayaa hadalkiisa kusii darsaday hadalkiisa: “Xidhiidhka igaala dhexeeya Ozil waa mid aad u wanaagsan, mana u joogo halkan inaan in badan ka hadlo waxa ay dadka doonayaan inay kaga hadlaan arintan, waxaan isku dayayaa inaan difaaco si uu u horumariyo waxyaabo badan isla markaana uu u soo bandhigo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican, waa xiligii ugu haboonaa ee aan idinla socon siin lahaa, in xiriirka aan la leeyahay Mesut Ozil uu aad u wanaagsan yahay”.