In Kooxdiisu Haysato Ciyaartoyda Ugu Fiican Dunida, In Benzema Yahay Weeraryahanka Ugu Wanaagsan Caalamka & Madaxweyne Perez Oo Si Weyn U Amaanay Real Madrid.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa waraysi uu siiyay majalada France Football si weyn ugu amaanay safka kooxdiisa gaar ahaan weeraryahan Karim Benzema oo kulamadii ugu dambeeyay wacdarro soo dhigayay.

Walow ay mudooyinkii ugu dambeeyay jireen warar soo jeedinaya in Madrid ay ciyaartoy cusub lasoo saxeexato haddana waxaan aragtidaas qabin Perez kaas oo aaminsan inuu kooxda ku hayso safka ugu fiican dunida.

Perez ayaa tusaale usoo qaatay in warbaahinta badhkeed ay sheegayeen in kooxdiisu u baahan tahay saxeexa weeraryahan cusub balse ay haystaan Benzema oo uu u aaminsan yahay weeraryahanka ugu wacan caalamka.

Florentino ayaa amaanta kooxdiisa ku bilaabay “Waxaan ku adkaysanayaa inaan haysano safka ugu fiican caalamka, Koobabkii aan kusoo guuleysanay ayaana caddaynaya midaas, Lacag uma kharash garayn doono sababta in wax la kharash gareeyo”

“Tusaale ahaan waxaan akhriyay oo aan maqlay saxaafada badhkeed oo odhanaya mudo sanado ah in Madrid ay u baahantahay inay lasoo saxeexato No.9 marka ay xaqiiqadu si cad kuu tusayso in Benzema uu yahay weeraryahanka ugu fiican caalamka”

“Waxa aanu qadiyad kasta u samaynaynaa keenista ciyaartoy da’yar kuwaas oo muhiim noqon doona mustaqbalka sida Rodriygo iyo Vinicius”

Dhinaca kale Perez ayaa amaanay kooxda Paris Saint-Germain oo uu ku sheegay kuwo kamid ahkooxaha ugu fiican kubadda cagta isla markaana ay kaliya u baahan yihiin wakhti.

“PSG waa koox weyn xilli horeba, Waana asxaabtayada, Qayb ayay ka yihiin kubadda cagta awooda leh, Ma jirto baahi loo qabo in iyaga la siiyo talo sidaa u badan waxa ay xilli horeba haystaan kubadda cagta France taas oo ah meesha ay u qalmaan inay ahaadaan”

“Nasser Al-Khelaifi waxa uu qabtay shaqo cajiib ah si uu u helo wax ka badan oo ay u noqdaan kuwo sidii hore ka  weyn, Ma jirto wax qarsoodi ahi, Waxa ay u baahan yihiin oo dhan ayaa ah wakhti”