In Hal Guul Ay Man City Ku Gaadhay Anfield Tan Iyo 1981 Kii Oo Uu Kevin De Bruyne Ku Tilmaamay Wax Aanu Ciyaartoy Wax Ka Qaban Karin.

Advertisements

Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa Anfield ku balansan axada waana kulan loo arko in uu ka mid yahay labada kulan ee xili ciyaareedkan ugu saamaynta badnaan doona Premier league.

Kevin De Bruyne ayaa wax laga waydiiyay rekoodhka taariikhiga ah ee ay Liverpool garoonkeeda Anfield kaga haysato Manchester City wuxuuna tilmaamay in ay xagtani tahay mid ayna ka ciyaartoy ahaan waxba ka qaban karin oo xaqiiqo ah balse waxa uu muujiyay kalsoonida uu qabo.

Advertisements

De Bruyne ayaa sheegay in xogta Anfield ee Liverpool ayna ahayn waxa kaliya ee go’aamin doona kulanka lawada sugayo wuxuuna xusay in ay jiraan duruufo badan oo kulankan go’aamin karaa.

Waxa kale oo uu De Bruyne xiiso ka muujiyay jawiga layaabka leh ee uu Anfield caanka ku yahay wuxuuna cadeeyay in ay ciyaartoydu jecel yihiin ay ku ciyaaraan goobaha ay taageerayaasha ugu badani ka soo xaadiraan.

Advertisements

Manchester City ayaa hal kulan oo kaliya Anfield ku soo guulaysatay tan iyo wixii ka danbeeyay maalintii Boxing day ee 1981 kii waxayna guushan kaliya ee ay City ku soo gaadhay Anfield ahayd sanadkii 2003 markaas oo hadda ah waqtigii ugu danbeeyay ee ay City guul ku gaadhay Anfield.

Arintan ayaa muujinaysa in Manchester City ay hal mar oo kaliya ay Anfield ku soo gaaraacday Liverpool intii lagu jiray 38 kii sanadood ee ugu danbeeyay laakiin Sky Blues ayaa markale isku dayi doonta in ay ka baxdo rekoodhka guul la’aanta ah Anfield ugu soo jirtay 16kii sanadood ee ugu danbeeyay.

De Bruyne oo wax laga waydiiyay taariikhda xun ee ay kooxdiisa Man City ku leedahay Anfield ayaa yidhi: “Anigu ma daneeyo. Duruufo badan ayaa ciyaarta go’aamin doona. Muxuu ciyaartoy ka qaban karaa xogta sidan oo kale ah?”.

De Bruyne oo doonaya in uu heerka sare ee la gaadhsiiyay kulanka Liverpool iyo kooxdiisa Man City uu hoos u soo dhigo ayaa yidhi: “Waa kulan la mid ah kulan kale, waanu ognanahay waa ciyaar wayn oo Liverpool ayaa horaysa”.

“Waxaa waajib nagu ah in aanu soo laabano, soo kabsano oo aanu diyaar u noqono kulanka axada”. ayuu De Bruyne hadalkiisa ku daray.

De Bruyne ayaa xiisaynaya jawiga cajiibka ah ee Anfield isaga oo xusay in ciyaartoydu ay jecel yihiin in ay ku hor ciyaaraan taageerayaasha ugu badan wuxuuna yidhi: “Xirfadlayaashu waxay doonayaan in ay ku hor ciyaaraan 50,60,70,80 kun oo qof qiimo ayay u yeelaysaa”.

Manchester City ayaa ku qasban in ay Liverpool ay guul ka gaadho ama ay ugu yaraan barbaro ku qabto si ayna Reds u helin fursad ay 9 dhibcood hogaanka ugu qaban karto laakiin Jurgen Klopp ayaa doonaya in ay sii wataan rekoodhka layaabka leh ee ay Anfield ku leeyihiin.

Advertisements