Xogta Camp Nou Ee Ay Barcelona Ku Soo Lahayd Lixdii Sanadood Ee Ugu Danbeeyay Ee Ay Adkaan Doonto In Ay Man United Caawa JabiN Karto.

Manchester United ayaa bilaabatay diyaar garawga kulanka lugta labaad ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league oo ay Camp Nou ku booqan doonto kooxdii Old Trafford ku garaacday ee Barcelona. Inkasta oo Old Gunnar Solskjaer ku dooday in soo laabashadii Paris Saint-Germain ee Champions league ay kooxdiisa United rajo siinayso, haddana Barcelona ma aha PSG oo xili ciyaareed kasta ceeb kala carowda Champions League, waxaana United sugaya imtixaankii ugu adkaa.

Dad badan ayaa aaminsan in Manchester United ay nasiib wayn ku lahayd kulankii Paris Saint-Germain ee ay soo laabashada samaysay maadaama oo ay kooxda reer France samaysay qaladaad carruurnimo ah taas oo ayna ciyaartoyda Man United ka filayn in ay Barcelona samayn karto.

Romelu Lukaku ayaa hore u sheegay in Barcelona ayna ahayn Paris Saint-Germain oo uu laba gool kaga dhaliyay kulankii ay Man United taariikhda ku samaysay Paris laakiin haddii ay Man United doonayso in ay Barca ka reebto UEFA Champions league, waxay u baahan doonaan shaqo ayna xili ciyaareedkan soo qaban iyo waliba nasiibka oo la jira.

Maxay tahay Xogta Argagaxa Ku Abuuraysa Man United Ee Ay Barcelona Ku leedahay Camp Nou?

Barcelona muddo LIX sanadood ah wax guuldaro ah kumay arag garoonkeeda Camp Nou kulan ka tirsan tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, waana waqtiga ugu dheer ee ay koox yurub ahi garoonkeeda ku haysato.

Barcelona ayaa soo dhigtay rekoodh cajiib ahaa kadib markii ay awooday in ayna 30 kulan oo xidhiidh ah oo UEFA Champions League ah  waxayna soo guulaysatay 27 kulan oo ka mid ah 30 kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay kooxo ku soo dhawaysay garoonkeeda taas oo ah arinta walwalka ugu wayn ku abuuraysa Man United.

Guuldaradii ugu danbaysay ee Barcelona ku soo gaadhay Camp Nou waxay ahayd sanadkii 2013 kii markaas oo ay Bayern Munich ahayd kooxdii ugu danbaysay ee kulan Champions League ah guul ku soo gaadhay garoonka Barca.

Waxayna Man United u baahan doontaa in ay lix sanadood ka hor oo kale samayso wixii ay Bayern Munich samaysay haddii ay doonayso in ay u soo baxdo afar dhamaadka UEFA Champions League.

Laga soo bilaabo guuldaradii ugu danbaysay ee 2013 kii ka soo gaadhay Bayern Munnich, waxay Barcelona garoonkeeda Camp Nou ka dhigtay mid ay kooxaha ku soo xasuuqaysay iyada oo 30 kulan oo guuldaro la’aan ah soo martay isla markaana ku soo dhalisay 93 gool laakiin difaac ahaan ayay sidoo kale bir u ahaayeen waxaana 30 kulan looga soo dhaliyay 15 gool oo kaliya.

Lionel Messi ayaa kulamada saamaynta ugu wayn u soo yeeshay Barcelona isaga oo Camp Nou ka dhigtay goobta ugu fiican ee uu kooxaha ku dhibaateeyo, waana arin kale oo walwal ku haysa Solskjaer iyo ciyaartoyda kooxdiisa Man United ee kulankii Old Trafford ku joojiyay Messi.