In Aad Xafiis Iska Fadhiisato Oo Aad Kubbada Cagta Ka Haddashaa Way Ka Duwan Tahay Qabashada Shaqada- Klopp Oo Dib Iskaga Weeraray Gary Nevile.

Khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee kooxda Manchester United ee Gary Nevile ayaa dhawaan sheegay in kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool ay iska ilawdo tartanka Champions League maadaama oo ayna suurtogal u ahayn in ay kuwada guulaysan karto koobabka Premier League iyo Champions league isaga oo waliba ku dooday in haddii ay Reds awooda wada saarto Premier league iyo Champions League in ay dhibaato ku noqon doonto Salah, Mane iyo Firmino.

Inkasta oo uu Gary Nevile walwal wayn ka muujiyay hanaanka ciyaareed ee uu Jurgen Klopp ka hirgaliyay Liverpool waxa uu cadho ku abuuray macalinka ree Germany kaas oo ay saxaafadu shirkiisii jaraa’id ee ka hor kulanka Tottenham u wadiisay soo jeedintii Gary Nevile ee ahayd in Liverpool ay iska ilawdo Champions League.

Jurgen Klopp ayaa si cajiib ah ugu jawaabay Gary Nevile isaga oo u sheegay in xafiis layska fadhiisto oo laga hadlo kubbada cagtu in ay shaqadu ka badan tahay wuxuuna sidoo kale Klopp su’aal galiyay sababta uu Gary Nevile kooxdiisa Liverpool talladan ugu soo jeediyay isaga oo aan xataa kooxda uu jecel yahay ee Man United u soo jeedin taladan oo kale.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkii hore soo gaadhay finalkii Champions league iyada oo kaalinta afraad kaga dhamaysatay horyaalka Premier league balse Klopp ayaa aragti ka duwan Gary Neville waxa uu doonayaa in kooxdiisu ay si isku mid ah ugu tartanto koobabka Premier League iyo Champions League.

Jurgen Klopp oo wax laga waydiiyay aragtida Gary Neville ayaa ku jawaabay: “Siday taasi u shaqaysaa? Ma Ciyaarayno Champions League ama maxay?. Gary waxaa waajib ku ah in uu la yimaado oo uu aniga si sax ah iigu sheego sida ay taasi u shaqayso. Sideed kulan iskugu diyaarin kartaa marka aanad diirada saarayn? Anigu maan fahmin”.

Klopp oo sii duraya hadalkii Gary Neville ku sheegay in Liverpool ayna awooda saarin Champions League ayaa yidhi: “Carruurtayada ayaanu ciyaarsiinaa ama maxay? taasi waa maad. Diirada saarida hal tartan waxa kaliya ee ay iman kartaa marka aanu haddaba ka hadhsanahay ama ugu dhawaan aanu ka hadhsanahay, ama haddii ay tahay xili danbe oo xili ciyaareedka ah”.

Klopp oo hadal gantaal ah ku ganaya Gary Neville ayaa yidhi: “Anigu ma filayo in xili ciyaareedkii hore uu Gary Neville uu sheegi karayay: ‘ Aynu ogolaano in City ay Champions league ku guulaysato’. In aad xafiis iska fadhiisato oo aad kubbada cagta ka hadashaa waxay ka duwan tahay samaynta shaqada”.

Intaa kadib Klopp ayaa saxaafada waydiiyay haddii uu Gary Neville isla talada uu siiyay isaga uu kooxdiisii hore ee Man United siiyay wuxuuna yidhi: “Isagu muxuu xaaladan kaga sheegay Manchester United? Kooxda uu inta badan xiiseeyo, waxba kamuu sheegin”.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu Jurgen Klopp u jawaabay hadlo kaga yimid khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee Man United balse xili ciyaareedkii hore waxaa dhex maray xurguf wayn iyada oo Neville uu baraha bulshada ku eedeeyay Klopp iyada oo macalinka ree Germany uu isna si adag u naqdiyay erayadii kaga yimid Neville.