Imisa Lacag Ah Ayay Kooxaha Champions league Ku Dagaalamayaa Heli Doonaan? Lacagta Wareeg Kasta Ilaa Ku Guulaysiga Koobka UCL.

Waxaa caawa garoomada Yurub dib uga furmaya tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League kadib markii laba bilood uu saaxada kubbada cagta ka maqnaa, laakiin kooxaha 16ka ah ee Champions league iskugu soo hadhay ayaan u tartamayn koobka oo kaliya balse waxaa jirta lacago badan oo ay ku helayaan wareeg kasta oo ay soo gaadhaan.

UEFA ayaa qaabab kala duwan lacagaha tartanka Champions league ugu qaybisa kooxaha Yurub waxaana la shaaciyay qiimaha lacageed ee ay koox kasta soo gaadhay wareega 16ka Champions League ah helayso iyo waliba lacagaha ay heli doonaan kooxaha ilaa finalka soo gaadhi doonaa.

Haddaba ka hor kulamada Champions league ee wareega 16ka kooxood halkan kaga bogo xogta qiimaha lacageed ee kooxaha Yurub ka helayaan tartanka UEFA Champions League.

Koox kasta oo soo gaadhay wareega 16ka kooxood waxay helaysaa 8.3 milyan gini waana lacag ayna ku jirin tikidhada iyo waxyaabaha kale ay kooxuhu iibiyaan halka kooxaha soo gaadhi doona siddeed dhamaadku ay heli doonaan 9.2 milyan gini oo kooxdiiba ah.

Afarta kooxood ee iskugu soo hadhi doona Champions League waxay midiiba heli doontaa 10.5 milyan gini oo ah lacagta wareega oo kaliya halka kooxaha soo gaadha finalka Champions League ay wareeg ahaan ku heli doonaan 13.2 miyan gini.

Laakiin kooxda ku guulaysata koobka Champions League waxay heli doontaa 44.7 milyan gini, oo lagu daray lacagta sida dhexda ah ay UEFA kooxaha ugu qaybiso oo u dhexaysan doonta 1-32 milyan gini sida ay kooxuhu ugu kala sareeyaan qiimaynta UEFA.

Qiimaha Lacageed Ee Ay Koox Kastaaba Ku Heli Karto Wareegyada Champions League Ee Ilaa Finalka:

Lacagta Wareega 16:  £8.3m

Lacagta Wareega Siddeed Dhamaadka: £9.2m

Lacagta Wareega Afar Dhamaadka: £10.5m

Lacagta Wareega finalka:  £13.2m

Lacagta Kooxda Finalka Guulaysata:  £3.5m

Qiimaha Guud Ee Ay Kooxda Champions League Ku Guulaysataa heli doonto: £44.7milyan gini + lacagta sida dhexda ah kooxaha loogu qaybin doono oo 250 milyan gini ah oo lagu daray lacagta ay qiimaynta UEFA kaga heli karto saami ahaan.

Marka la qaybinayo lacagta dhexda u ah kooxaha Yurub waxaa lagu salaynayaa 32 kii kooxood ee heerkii groupyada ku jiray waxayna kooxda ugu qiimayn hoosaysaa helaysaa hal milyan gini halka kooxda ugu saraysaa ay heli doonto 32 milyan gini waana qiimaynta UEFA ee kooxaha Yurub oo lagu salaynayo bandhigii tobankii sanadood ee ugu danbeeyay.